|
Jaceyl
Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part
22
Waa
nin iyo waagiis waxaay soo rafaadaan Osmaan iyo saaxiibkiis
waxaa ilaahay nabad qab ugu soo celiyeey Masr, wuxuu nabad
ku seexaday mudo 7 bilood ku dhawad habeenkii uu masr soo
galay wuxuu horday habeen iyo maalin salaad waxaan aheen
umuu kaceen waxaanu markuu nastay soo hor istaagtay
saaxiibtiisa Qaaliga aheed ee Raaqiyo,
ileen jaceealku wa nuur
Waa hilaac baxaayo
Waa heeybad iyo sharaf
Waa dahab la curiyoo
Caanihiisu waa malab
Waa caynad qurux badan
Waa ceel ilees badan
Waa cuud udgoon badan
Waa cagaar la fidiyoow
Ceenkiisa lama helo ileen caashaq waa balo,
|
|
Macaantiis
Raaqiya mudo maqal iyo muuqaaltona iskumay ,
wuxuu markii uu qaddadii afka ka qaaday uu
qabsaday telifoon guraga yaalaay, waxaanu hore
ka garaacay nabarkii qaalidiisa Waa Raaqiye ,
waxaanu ahaa mid iska xiran oo hawada ka maqan
wuu yaabay waxaan salaada casar kadib isku
siidayaay Gurigii ay ku nooleed macaantiisu
wuxuu istaagay albaabka guriga waxaana ka furtay
gabar, salaan kadib wuxuu waydiiyay Gurigan
gabadhihii daganaa, Gabadha Guriga ka furtay
waxay argtay inuu cusub yahay wiilku ,waxaanay
dhahaday walaal hore u soo gudib biyo ayaa loo
dhigay waxaana ay gabartu waydiisay goorma ayaa
kuugu danbeeysay gabdhahaas ayaa dhahaday. wuu
naxay maxay kuu sheegi doontaa ayuu is dhahay
dhinacyada ayuu fiirshay waxaanu ugu jawaabay
abaayo aniga waxaa lay dhahaa Osmaan waxaan ka
tagay qaahiro mudo 7 ka hora ah, waxaan galay
safar waana iska soo noqday marka waxaan imid
magaalada habeen dhaweed waxaad si toos ah iigu
sheegta walaal gabadhas xaga ay aaday hadii aad
warka hayso intaas markuu ku dhahay ayaa gabadhu
u bayaamisay arika meesha yaalo oo muxuu noqon
doona
Walaal soo dhawoow Gabadhahaas way baxeen waxaa
u dhamaday laynkii ay meesha ku sugayeen ee
Canada sidaad ka warqabto markaa walaal hada
waxay maqan yahiin 3 bilood ku dhawaad waanay
nabad tageen
Osmaan wuu istaagay waanu iska fadhiisatay waxuu
waydiiya abaayo waad ku mahad santahay sidaad
isoo dhaweeyesay ee sharafta leh aad ayaan kaaga
mahad clinaya . adigaa mudan ayaa loo soo
celiyaay Osmaan . wuxuuna gabadhii waydiiyaay
abaayo adiga maxaad isu tahiin gabadhii way
qososhay waxaanay ku cisay aboowe qaraabo ayaan
nahay aan aad u kala dheerayn , Osmaan waxaa ka
soo fuqay hadalkii waxaana u sawirantay inay
gabadhani tahay qofta kaliya ee uu ka heli karo
akhbaarkeeda ama meel uu kala xidhiidho , ok
wuxuu dhahay abaayo marlawad ayaan kaaga maha
celinayaa lakiin aniga hadaan isku kaa bayaamiyo
.oo toos isugu ka sheego waxaa xidhiidh naga
dhaxeeyeey Gabadha ugu weeyneed Gabaddha Ee
magaceeda la dhahaayeey Raaqiyo markaa anigu
safar tahriiba ah ayaan galaya waana ku soo guul
dareeystay waxaana mud dheer ku xirnaa Casimada
Cumaan Ee wadanka Urdun nasiib wanaag waa la
isoo daayaay aniga iyo wiilkale oo ila xirnaa
Waana soo nabad galay masr markaa waxaan kaa cod
sanayaa inaad isiiso hadii aad hayso meel lagla
xiriiro waa hadii aad awoodo
Gabadhi way argtay Osmaan daacada wajigiisa ka
muuqata waxaba kumay xujeen kumanay adkeen,
waxay ku soo cisay aboowe waan helaa lakiin
inaad bari iga soo war doonto weeye waxaan kuu
waydiina walashay iga ween oo hada magaalada ku
maqan , Osmaan aad ayuu ugu mahad celiyeey sida
dagan ee soo jiidashada leh ee ay uga aqbashay
codisaga uu gudbisatay waxaanu ku dhahay abaayo
adigoo raali iga ah Magacaaga ii sheeg ?
waxaanay ku dhahaday aboowe aniga waxaa lay
dhahaa Canab ok barasho wanaagsan walashay
marlawaad bari ayaan kaa soo wardoonaa hadii
ilaahay ka dhigo ayuu ku dhahaya ok ayaay Canab
ku dhahaday ayadoo soo dhaweeysay ilaa albaabka
hoose ee cimaarada laga galo wuxuuna si dagan ku
waydiyaay Telifoonka ay wadato si uu ula soo
hadlo hadii ay hesho macluumadka uu ka sugaayay
isagana ay ugu dhib yaraato , waxaay u qortay
telkii ay la heed Osmaan muu sedan wax moobeel
ah uu ku qorto waxaanu ku qoray warqad yar
meeshii ayaa la isku macasalaameeyey Osmaan
wuxuu sii fadhiisatay meel Qaxwo ah ama kafteera
ah oo ay dhalinyaradu isug yimaadan meeshii ayaa
cabaar ku sii sheekeeyey oo dhalinyarad ay isku
sii salaameen waxaanu isku sii daayay gurigiisa,
waxay talo sii gur guurto wuxuu nabad qab ku
jiiftay gurigiisa, waxaana loo soo gudbay
maalinkuu sugaayay Osmaan sida caadiga ah wuxuu
guriga ka dagtaa Casarka ka dib sida badan ee
dhalinyarada qaahiro ay caadeeysteen maadama ay
jirin wax shaqo ah ama meel la aado subaxii ,
wuxuu iska bixiyaay saladii casar cabaar ayuu
guriga ku sii sheekeeyey waxaanu u dagtay
magaalda isaga oo u tabaabusheestay inuu waco
gabadhii Canab aheed si u uga qaato telifoon ama
meelkale uu kala xidhiidho Macaantiisa Waa
Raaqiye , cabaar markuu sii socday ayuu meel
Baraanji ah oo tifoonada laga diro ku leexaday
si uu tilifoon isaga hor mariyo ama u waydiiyo
waxaay Canab u hayso , markuu galay meesha
tifoonada laga diro ayuu iska baaray warqadii uu
telifoonka ku qoray Canab nasiib xumo wuu
waayaay , dhinac yada ayuu fiirshay wuxuu furtay
maskaxada cabaar markuu taagna ayaay ku soo
dhacaday inuu xaafadiisa waco si uu shaati uu
shalay sitay looga fiirsho inay ku jirto warqad
telifoon ku qoran yahay , wuxuu garaacay telka
xaafadiisa waa laga qabtay lakiin muu helin
warqadii telifoonka Canab ku qornaa , wuxuu ku
nasiibsaday Gurigii ay joogtay Canab allbaabkii
ayuu garaacay waxaana ka furtay Canab walaasheed
oo ka weeyneed wuu salaamay waxaanu way diiyaay
Canab , waxaay ugu jawaabtay aboowe way
maqantahay wuu ka naxay Gabadha wajigeeda waxaa
ka muuqday isla weeyni Osmaan wuu iska samaray
wuxuu waydiiyaay abaayo adigoo raali iga ah
Telifonkeeda ma isiinkartaa, way ilka cadeeysay
waxaany dhahaday walaal kumaba aqaanee sidaan
tifoonkeeda kuu siiyaa mahayo iga raali ahoow ok
abaayo ayuu ugu jawaabay .Osmaan oo yaaban
wajigiisa ay ka muuqato murugo ayaa iska soo
dhaqaaqay waxaanu afka soo saaray Internet u
dhawaa xaafada cabaar markuu soo socaday ayaa
waxaa ka hortimdi Kalkaalisadiisii jaceelka Waa
tuma Gabadhaasi Waa Qof qali ah Waa Ugaargaarto
jaceel wajga ayaa la isku dhuftay alaab ayaay
gacanta ku siday kalkaalisada jaceelka Osmaan
iyo Raaqiyo waa la isku soo booday faraxad ayaa
wajigiisa dhan is qabsatay ilin ayaa ka soo
booday Manaal iwaran abaayo Macaaneey, Osmaan
waan kuu fiicanahayAboowe dhinacayada ayaa la
iska shumiyaay waa salaantii masaaride , cabaar
ayaa la is hortaagnaa aboowe warka isii ayaay
dhadahay , Osmaan hadalkii ayaa ka so bixi
wayaay waxaa ka jabtay qiirada iyo Farxada ay
Galisay Manaal wuxuu arkay inuu wado dhex taagan
yahay waxaa soo hor istaagay Kii xishood ahaa
waxaa la weergay dhulka Manaal way naxday
laftedu waxaany ku dheheday ina mari aboowe
Guriga , Osmaan wuu xishooday waxaanu ku dhahay
abaayo macaaney waan kuu baahnab lakiin tifloon
ayaan halkan ka soo dirsanaa dabada ah , markaa
soo dhameeysto Abaayo macaaney waan kuu soo
noqonayaa , ok waan ku sugaa ayaay ku dhahaday
Manaal ,Osmaan wuu baxay wuxuu tagay meel
internet ah oo tifoonada laga diro wuxuu soo
dirsaday tifoonkiisa waxaanu dib ugu soo laabtay
Xaafadii Manaal ay ku joogtay hadaba haleekey
ilamareen Manaal iyo Osmaan ?
Osmaan maka maarmidoon Canab oo walaasheed waji
gabax tahay
Lasoco Q 23aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |