FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?.

 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part
21

Dalkeygoow adigaan ku sugayaa Dalkeeygoow waxaan dareemaa inaad lama huraan tahay Dalkeeygoow danbi baa lagaa galay Dalkeeygoow waa lagu dugaal ayaad tahay

Dalkaaga waxaad dareentee markaad ka soo baxdo, waxaa xaqiiqa ah inaad iska ilmeeynayso markaad meel ku godoonto ee dowlad kale ku xirto ee aad jeel dalaq dhado , muwaadinimo waxaad dareentaa marka luugu bahdilo ee lagu quursado ee lagu dhaho wadaankaaga ayaad soo gubtay markaas ayaad rabtaa inaad wadankeena sharci daro ku soo gashay, somalinimo waxaaad dareentaa markaad cid aad weheshtaa wayso cidla aad kali ka ooysaa

 

 

 

Hadaan u soo noqono sheekadanee waxaay inoo maraysay Osmaan iyo saaxiibkiiso oo jeel galay waxaanay ku jiren mudo 5 bilood gaaraysa waxaa ugurmaday ma jirin wax caawiyaay maysan jirin waxaay talada saarteen ilaahay , Osmaan baadhi taan dheer kadib waxaay nasiib u yeesheen in si lama filaan ah subax banaanka loo soo bixshay waxaana farta laga saaray sharcigeey wateen waxaana la dhahaay waxaad u laabtaan wadankii markii hore ka timaaden ee Masr ahaa Osmaan iyo saaxiibkii ilinta ayaa Qubtay meesha ayaay ku leexdeen xamaamka hore ayaay wayso ka soo qaateen waxaan meel yar Moowlac ah oo meesha ku dhex taalay u istaageen salaad suna ah oo ay ilaahay ayaay Gacmahooda u tagteen Osmaan iyo sxb kiis 3 maalin ayaay meesha ku sii jireen maalinkii afraad waxaay u soo baxeen banaanka iyagoo aad ugu muraaqeeysan xabsiga sida kadiska ah ay uga soo baxeen , iyo siday ilaahay ugu soo cabiidayaay dawladii haysatay waxaana gacanta laga soo saray lacagtii ay siteen iyo borsooyinkoodii waxaan hore ka soo raaceen gaadhi askartu leedahay oo magaalada u soo socday iyadoo lagu soo daray 2 askari si ay tikidh ugu soo gooyeen waxaay soo galeen Cumaan waxaana askartii ka codsadeen inay tilfoon dirsadaan waxaanay galeen meel telifoonada laga dirsado waxay dirsadeen tilfoon ninkasata cidiisa ayuu wacaay

aad ayaay loogu farxay waxaanay dalbadeen lacag ay masr ku tagaan

waxaanay hore islma habeenkii lacag ka qaateen westeran union waxaanay subaxii lagu salamay marab masr u socda , way iska soo tawakaleen iyagoo

aad ugu cabsanaya inay xabsi kale ka galaan Wadanka masr ducooyin ay wadeen iyo quraan badan ayaay iska qabsadeen waxaa ilaahay ka indho sabay masaaridiid waxaanay si toos ah uga soo dageen Gobalka mid masr oo markii hore ka baxeen oo la dhaho Carish waxaanay sitoos ah u soo raaceen gaadhi usoo socda masr ama caasimad wadanka oo ku magac dheer Qaahiro waxaay soo galen qaahiro habeenkii oo badh tagay salaada subax markii lagu jiray OSmaan iyo saxiibkiis waxaa ka muuqtay farxad aad u wayn waxaa qofkasta qaadan waa ku noqotay siday masr ku soo galeen , waxaay gaarigii uga dageen bartamaha magaalda oo ay ku taalo boosteejada ugu ween Qaahiro waa Ramsiise waxaay hore isaga soo tureen Tagsi {Tax} Osmaan iyo saaxiibkiis aad ayaay isug dhageen sidii laba qof oo walaala ah oo muda kala maqnaa waxaay ka soo dul dhaceen marka dad iyo geed la kala garto gurigii uu ka baxay Osmaan wuxuu soo yeershay gan bambaleelka waxaa ka furtay gabar yar oo walaashiis dhashay guriga oo dhan waa la isku soo kacay waxaa meesha la isku daray oohin farxadeed waxaa aamusi waysay walaashiis mudo 30 daqiiqo kadib Osmaan wuxuu haley jaanis isaga iyo saaxiibkiis xamaam inay galaan waxaa meesha looga dalbay raashin lakiin maysan sugin qubeeys iyo salaad subax iyo sune ay isakaga bixiyeen waxaa loo gogley qol waxaanay galeeen hurdadii ugu horeeysay mudo 7 bilood ku dhoow dadku waxay ku nuuraan nolasha iyo xoriyada waxaa ka muuqtay Osmaan wajigiisa diif aad u daran waxaad ka dareemi karaysay sida jirkiisii qurxoonaa uu isu badalay waxaa inadhahisa ka muuqatay farxad iyo inuu galay nolol hor leh waa aduunyo qoba meel ayaay ka tuurtaa wuxuu ku shanleen jiray mar uun banaanka ma u bixi doontaa oo xoriyad ma ku noolaan doonta wax kasta oo uu soo maray waxuu ku mahadiyaay ilaahay mahadiis waxuu jecleesatay nolasha cusub ee uu hada bilaabayo waa iska nasiib waa nin iyo waagii

hadaba maxay la soo kaceen Osmaan iyo saaxiibkiis, runtii hada ay u bilaabantay Nolashii caadiga aheed

lasoco 22aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.