FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?.

 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part
20

Waxaan sheekada u is taajinay waxaa lagu jiray bishii barakeeysneed ee Ramaan

naga raali ahaada akhirsatayasha iyo dhamaan taagareeyshayda qaaliga ah lana socda sheekada

q 20aad.
Akhrisoow waxay sheekadu inoo maraysay halka ugu macaaney sidaan hore idiinku soo sheegay ,sheekadu waxay maraysaa meesha ugu macaaneeyd hadda ayaa waxaa idin hor imanaysa sida jaceelku u dhaawac maayo . hadaba jaceelku ma bad baa ma buurbaa mise waa ban abaar ah oo bahal looga hayaamay ??

Waa su'aal Da waynoo Madaxa Daalinaysa

Osmaan Diiceey iyo saaxiibkiisa waxay isku afgarteen inay kireestaan {TAX} tagasi uqaada ilaa SUURIYA waxaay waceen Ninka TAXga watay waxaanay soo qaateen boorsooyinkoodi ka yaalay hotelkay daganaayeen waxaanay hore kaga dhaceen taxigii ayagoo kula heshiiyaay inay 300$ siiyaan kadib uu Dimishiq geeyo

 

 

 

Sidaan wada Ogsoonahay Osmaan iyo saxiibkiisa waxay ku socdaan baasaabooro ajanibi ah oo ay leeyahiin wadanka{Jusul Qamar} ama jasiirada yare ee loo yaqaano {COMORS}siday doonto ha noqto somalidu waxay caadeeysteen inay halaag iyo dhibaato gacantooda ku dontaa waxaanay ninkii taxiga watay ka qaaday 2 labadii baasaaboor waxuu kale ee ka hor mar saday lacag dhan 300 $ USA dolar ah waxuu soo socod wuxuu ka soo baxay Caasimada wadanka Jordan oo ladhaho Cumaan TAXgu wuxuu soo gur guurto wuxuu soo istaagay isbaarad maglaada looga baxo cabaar ayaa gaariga la baaray maadama ay saaran yahiin dad ajanib ah oo walbi madoow ah NINka taxiga ayaa furdaamiyaay isgoo usheegay inuu geenayo magaalo caasigamada ku xigta oo la dhaho{Az zarqa }waa la iska soo daayay waxaay afka soo saareen gobalka uu sheegay yaay ninka taxga watay xiligu waa is gurayaa wakhtigu waa goor maqarib iyo cishe u dhaxeeysa waxaana gobalkii kale u soo socdeen muda 2 saac ah waxaay goor danbe oo habeenimo ah soo gaareen kantaroolkii gobalka Az zarqa cabaar ayaa la baaray waana la soo daayay waxay soo dhex galeen gobalka Az Zarqa waxaanu carabku usheegay inay waa bariga tagayaan xadka udhaxeeya suuriya iyo jordan magaalda nasiib kooda waay ka soo gudbeen waxaay afka soo saareen Gobalkii uga danbeeya Jordan Ee xadka ku yaala oo ladhaho IRBID Waa tuulo yar oo xadka ku taala waxaay soo gur guurtaan waxaay 10:30 kii subax nimo soo istaageen xadka u dhaxeeya Jordan iyo Suuriya khaastan tuulad Irbid waxaana lagu qabtay kaantaroolka xadka udhaxeeya suuriyo iyo urdun waxaa laga soo dajiyaay TAXiga ay saarnaayeen waxaana la geeysata jeel yar oo dadka lagu baaro cabaar goortii la haystay ayaa Osmaan wuxuu arkay ninkii taxiga oo gaar loo waraysanayo ,kadib hadan waxaay arkeen boorsoonin xaga danbe ugu jiray ayadoo la soo dajinaayo

Osmaan Diicay waxuu markiiba dareemay in xaaldu aanay caadi aheen waxaa markiiba laga qaaday baasaboradii ay wateen waxaana lagu xareeyeey qol yar oo ay ku jiraan dad carab ah oo masri u badan waxaan ku yeeray wiishka waxaa ku barayaay waa cusub waayo waxaay ku jiraan xabsi aanay aqoon goor ay ka soo bixi doonan, meeshii ayaay iskaga jireen cid ma soo raadin gaarigi aya wateena hore ayaa laga fasaxay Osmaan iyo saaxiibkiis waxaa ku barayay waa cusub iyo arin aanay ku tashaneen waa aduunyo adigoo meel ku socoda ayaay meelkale kuu leexinaysaa Osmaan Diiceey waxaa hortimid aduunyada waxaa ku soo koobaantay nolasha waxaa meesha ay ku jireen 2 habeen iyo 2 laba maalin waxaana ay meesha ku cunayeen ceesha iyo fuul yar iyo shaah rinji ah ama bigees ah maalinkii 3 sadex aad ayaa waxaa yimid nin sarkaal ah oo baadhitaan u yimid meesha waxaa la soo bixyaay dadkii meesha ku jiray Osmaan iyo saaxibkii meel gaar ah ayaa lala tagay waxaana lagu bilaabay Garaacitaan iyadoo lagu ee daynayo inay u tahriibayaan wadanka ay dariska yahiin ee carabtu iska ilaaliso waa {israalile} waxaanay casarkii lagu soo celiyaay Godkii yaraa ee jeelka ahaa waxaana loo sheegay ina la dili doono hadaanay sheegin waxay ka doonayaan wadanka muslinka cadawga ku ah ee yuhuuda

waxaa ku cadaatay talo waxaa labadoodii midba ku dhagay darbi isaga oo aad moodo in dil toogasha ah lagu xukumay waa iska xaal aduun qofkastaa oo mu waadin ah wuxuu dareema in dalkiisu yahay dahab markuu arko sida loogalaayo marka wadankale lagu qabto Osmaan waxaa hortimid marxalad cusub aanu ka bixi karin waxaa dusha ka soo fuusha dhibaatada aduunka oo dhan waxaanay nololashu ku noqotay ciriiri sidkasta oo ay ugu adkaato ama ugu dabacdo cid uga neefisay majirin waxay meesha ku sii jireen 3 maalmood oo kale waxaan subaxii ugu danbeeysay loo keenay gaari qafulan oo kuwa lagu qaado dadka danbiyada waa ween dalka kagala oo ciidan xogan saaran yahay waxaa loo wacay Osmaan iyo saaxibkisa oo duruufta aduunku ka muuqato waxaan loo sheegay in loo keeni doono safiirka jordan ufadhiya JUSUL QAMAR Waa wadanka ay sitaan baasaaboorkiise waxaa lagu soo qaaday gaarigii Qoful naa waxaan dib loogu soo celiyaay meeshay ka yimaadeen oo ah caasimad Jordan ama Cumaan waxaa lagu xareeyey Jeelka wayn ee dalka... sheekadu way ku dheertaay waxaaney meesha ku xirnaayeen 2 isbuuc ama 14 bari kadib maalin sabti ah ayaa waxaa loo wacay labadooda waxana u yimid safiirka jusul Qamar

aduunka ninksataa dadkiisa waa yaqaana markuu arkay dadka sita baasaaboorka dalkiisa aad ayuu ugu xumaday waxaanu kalaabtay isla meeshii isagoo usheegay inaysan aheen dadka baasaaboorka wataa dad u adhashay dalkiisa ...........Oday Osmaan iyo saaxiibkiis waxaa ku sii batay Kiiskii loo haystay waxaana lagu xareeysatay qol ka mid ah qololka danbi baarisata ninkasta geeskii ayaa laga tumay waxaa loo jilciyaay si aan caadi aheen Osmaan wuxuu aad u yaqaanay luuqada carabiga khaastan Lahjada ama luuqada Masaarida waxuu usheegay ninkii wareeysanaya inay yahiin Somali ,waxa nagu ku kaliiftay dhibaatada dalka somaliya ka jirta iyo inay naftooda meel ugu tagaan baasaaboorkan ay wataan soona gateen, Ninkii danbi baaraha ahaa ee wareeysanaayay aad ayuu ula yaabay waxaanu ahaa nin wax garad ah wuxuu dhahay dadkan jeelka halagu celiyo waxaana la geeyey meeshii ay hore ugu xirnaayeen iya goo tabcaan ah

Osmaan iyo saaxiibkiis way is dhiibeen waxaanay Cumaan ku xirnaayeen mudo 5 bilood xiligu waa kuleel xagaa ayaa algu jiraa ama samar ,jeelku waa kuleelka aduunka Osmaan waxaa ka dhacay cidayaha sidii qof biyo bad ku dhex jira waxaa is badalay maqaarkoodii waayo jeelka aya ku xiran yahiin ,waxaa lagu xiraa dadka dalka danbiyyada waa ween ka gala ,Nasiibkooda ayaay qabaan Osmaan waxaa hortagaan dalkeena hooyo iyo xoriyadu siday qaali u tahay waxaanu talada saartay ilaaheena wayn baa Amarkiisa ku fulayaa

la soco Q 21aad.

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.