|
Osmaan wuxuu sugo waaga
khamiistaa waa la iska soo garay waxaanu subaxii
tel u soo diray macaantiisa isagoo u shegaya
inuu soo goosanayo tikit kii uu ku raaci lahaa
markabka
Urdun waxaanay ku dhahayday macaane waa inoo
galabta hadii ilahaya ka dhigo Waa Raaqiye .
hore ayuu ka sii baxay isaga iyo wiilkale oo ay
hore isu raaci rabeen waxaana ay tageen
agansigii ay markabaka oo ku yaala meel qaahiro
ka baxasan oo ladhaho Madiinatu salaama meesha
ayaay tageen waxaanay ka soo goosteen tikitka
way iska soo baxeen waxay hore usoo
mareen hotel ay ku dagaan markay Urdun Tagaan
isagana hore ayaay usoo mareen una soo bokot
gareeysteen waa qaahiro iyo mushwaar ama safare
waxaay soo jiitamaan waxay ku soo
laabteen xaafada iyagoo aad u dalaan osmaan wuu
iska jiiftay wuxuu soo kacay cassarkii waxaanu
hore ka soo aaday sxb Raaqiyo waxaanu uga
sheekeyey waxuu la soo kulmaya inuu soo
qatay tikitkii uu markab ka kuraaci lahaa
hotelna uu soo bokin gareeysatay waxaanu
usheegay inuu baxayo habeen danbe Raaqiyo waxaa
ku soo yaraaday wakhtiga aad ayaay u hiyi
kacaday waxay sameeyso ayaay garan waysay waxaa
u macaanaday Osmaankeeda waxaa u soo urtay
Qaahiro waxaa indha heeda isku soo taagtay ilin
waxaanay meesha ka wagac siisay heeso
hore oo aad u qiiro badan marka la dhageeysanayo
qoraalkana ku qurxoon iyadoo ilmeeynaysa sidaan
ka baranay Raaqiyo waa cod macaantahay markay
qiiroonayso ama ay dabayl caashaq
ku furantahay waxaan dhahaday
Jacaylkan I dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey
Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.
intaad nooshahay ma ku ilaawi doono macaanoow
waxaad qabsatay Qalbigeeyga waxaa hantiday
nafteeyda iyo nuurka indhahayga adiga mooye
Osmaanoow majiro Ruuxkale aan qalbigeeyga u
furayo waxaan kaa codsanayaa macaane meelkasta
oo aad marayso inaad isoo tabiso warkaaga xubi
dadku aabaha iyo deeqooow hooyada noqde
dhagahaygu qofkay ku farxaan maqalkoodu waa
adiga magacaaga meeshan ku maqlo waan soo istagi
doonaa macaanoow
Osmaan jirkiisa waxaa is qabsaday galiilyo wuxuu
dareenkiisa gaaray meel fog waxay dhagahiisu ku
soo ceshanayaan hadalka macaantiisa Raaqiyo oo
isugu dartay duco iyo balan adag
oo kalsooni galiyaay naftiisa wuxuuna hadal
qaboow oo cod fog ah ku dhahay macaaneey haka
baqni dhankeegya anaa baylah tirayo balankii
adkeeyne meelkasata oo aan tago waan kula
soo xiriiri doona qofkaan aduunka ku leeyahay
waa adiga daacadi ma hungoowdo intaad ii dul
qadan karto ii dul qado samri ayaan kaaga
tagayaa waxaanu ku dhahaya macaaney cid aan
qaraabo nahay ayaan soo macsalaameeynayaa hadii
ilaahay ka dhigo habeen danbe ma haleelaayo
markaa hadaan lugta so marina meesha ayaay ku
sii macsalaamaysa waxaanay ku dhahay
macaaney bari casarka ayaan ku soo maraya hadii
ilahay ka dhigo sidii ayaa kaga tagtay waxaanu
afka saray cido ay qarabo yahin mesha ayuu
salaan ku soo gaarsiiyaay waxaa soo
xaafad ku ay asxaab yahiin meesha ayuu iyana
salaan ku soo sadaqeeystay waxaan soo wajahay
gurigiisa habeenkii waxuu la jiifan wayaay
qaahiro ayaa hortimid way la macaantay
wakhtiga ayaa aad ugu soo koobmaya ........waagii
ayaa barayaay waxaan magalada hoose ka doontay
boorso nooca lagu tahriiba ah waxaanu ku soo
laabtay gurigiisa wuu qadeeyey
cabaar kadib casar ku dhawaad wuxuu aaday
macantiisa wuxuuna dhahay is diyaari cawa ayaa
isugu keen danbeysa waanay ka aqbashay intuu
sugayaay ayaa waxaa gaartay maqrib meesha
ayuu ku tukaday waxaanu gacanta qabsaday
macaantiisa waxaanu ku dhahay abaayo waxaan
rabaa inaan sii salaano gabadha xaqa ween inagu
leh ee Manaal aheed waxaan rabaa inaan sii
maca salaameyo way ka yeshay qaaldisu waxaa si
lama filaan ah loogu tagay Manaal waxaana u
sheegay inuu baxayo habeen danbe sidaas darteed
uu salaanta la dhaafi wayaay maadama
ay ay abaal ween ku ledahay inksata oo somalid
abaal gasho lakiin aysan gudin abaalka
..........meesha ayaa manaal lagu gacan qaday
isaga iyo Qaaldisa waxaay leedhsi u aadeen
magaalda hoose way soo casheeyeen way soo
sheekeysteen waxaan 11:30 kii habeenimo ayaay
dib usoo noqdeen wuxuu keenay gurigeeda waxaa
galeen gudaha aqlka raaqiyo hadaba talo
waxay ka joogtaa yaa kala kaxeynayo ,,,,,
Waa dad aad isu jecel. waa dad aan is ilaawi
karin . waa dad aan kala maarmi karin . waa la
isku dhagay waa la isku ilmeeyey ilaa ay ka soo
baxeen gabadhaha ladhashay oo raaqiyo
samir siiyaay sikasta oo ay noqoto Osmaan wuxuu
ka soo baxay guriga wuxuuna usoo luuday dhanka
gurigiisa waxaa soo jiitamo waxuu isku soo
tuuray qolkiisa habeenkii muu seexan
murogo ayaa ku dhamatay waxaa dul hareeyey qiiro
jaceel sidii ayuu ku dhafray 11:00 subaxnimo
ayaa waxaa soo maray wiilki ay israacayeen
wuxuuna u ku dhahay is diyaari waad
ogtahay waxaan ka baxaynaa Gobal waxaa la rabaa
inaan markabka saaranahay salaada maqrib .meshii
uu isku diyaarayay waxaanu isoo dageen hoos
wuxuu wacay qalidiisa Raaqiyo wuxuu
ku dhahay macaaneey WIXII NOOL ADUUN YADA WAA LA
ISU SOO NOQON... macasalaama waan baxay ..waxaana
ka dhoofaa gobal ladhaho Cariish hadii ilaahay
ka dhigo markaa soo ducee xubi
intaan masr ku dhex jiro waa ku so wacaa sidi
ayaay ku maca salaameyesay Osmaan iyo wiilkii
way iska tawa kaleen waxaaney tageen gobalkii ..
waxaanay horeba ka galeen hoolkii
loogu tala galay dadka rakaabka ah ama dadka
markabka raacaya waxay iska joogaan hoolka waxay
meesha ku tukudeen salaadii maqrib waxaana hore
ka fuuleen markabka waxay masr ka
dhaqaaqeen 9:30kii fiidnimo wuxaay sii
mushaaxaan bada dusheda waxay Urdun galeen 12:30
subax nimo osmaan wuxuu u bogaayeey laydha
qaboow ee bada dusheeda uu ka helay wuxuu
sawir ahaan ku soo jiidanayay macantisa oo
markabkan la saran wuxuu aad isagu qancinay waad
heli raaxada hawdan hadii aad macaantada u soo
xamaalato oo aad meel u tagto waa iska
riyo aduunyo adigoo sugaya ayaay ku qadin adigoo
samray ayaay ku siinee waxaay markabka kaga
dageen gogal 850klm ujira caasimada URDUN ee
CUMAN oo la dhaho AL AQABAH meeshii
ayaay taxi ka soo qabsadeen waxay sii mareen
gobal aladhaho MA'AN waxaay uga sii gudbeen
gobalkele oo ladhaho AL KARAK .Taxga waxaay
siiyeen cawaanka hotelka ay soo bakon
gareesteen waxaa soo socdaan hotelkii ayuu
taxiga hore ka keenay maalinkii meesha ayaay ka
qadeeyeen waana iska sexdeen waxay hotelka ku
jireen 2 habeen waxaanay qiimeeyeen
xalada iyo sida ugu fudude ee ay uga bixi kareen
.Osmaan wuxuu meesha ka soo wacay macaantiisa
wuxuuna u sheegay inay nabad taageen Urdun
wuxuuna u sheegay inuu baxayo cawa
hadii ilaahay ka dhigo meesha ayuu aad ugu
sheekeeyey markuu telka dheemeeysteen ayaa wuxuu
ku dhaahay Osmaan sxb kiis sxb waxaan soo helay
taxi Suriya ina geeynaya oo 300 dolar
inta qadanayo sidii ayaay isku af garteen waxaan
soo qaateen boorsooyin koodi
la soco Q 20 aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |