|
Jaceyl
Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part 18
Shankaroon
haweenkaay shib waxaan idhaahdaba miyaan
kugu shukriyayaa shirkaan kaa amaanaa
sheeda kaa tilmaama marka aan isla shawreee
sheekeysto kaligay
waa shan iyo toban jir shiikh wacani
dhalayeey sharka laga daboloo
laga naaray sheydaan
Waa Dareen Qiiro Leh oo qofkasta oo wax
jecel uu ka naxaayo ama ka murugoonayo hadii
Lamaane is jecel mid saafar galaayo, ama ka
dhoofaayo meesha Wehelkiisu joogo waa
Macruuf
ama waa wax la iska yaqaano 2 labada qof ee
is jecel inay indha hooda ilin qooyso
sikasta ha udhacadee Osmaan wuxuu isku
dayaay inuu u faah faahiyo Qaabkuu ubaxaayo
. wuxuuna
Raaqiya Jaceel u sheegay inuu iibsaday
baasaaboor wadankale ah oo sharci masar ah
saaran yahaya wuxuuna u sheegay inuu aadayo
wadanka Masar xadka la leh waa Urdun kadibna
uga
sii gudbaayo Suriya.
|
|
Raaqiya waay badalantahay
hadana Waa Qof wax dareemi karta waanay iska
cadahay in dadku nolol raadis yahay oo Nolasha
adkaatay
Waxaa dadka ka hortimid Qaaradan madoow waa
Cadawga Jaceelka waa AFrica ee hooyga Fakhriga
iyo Colaada iyo waliba xasuuqa bini aadanka
sikasta oo ay ahaataba dadka somalidu way naceen
wadanka hooyo dhib ka taagan awgii hadab
,,,,,,,,,,
Raaqiyo way u garoowsatay inuu saxiibkeed baxo
tamartiisu halkeey dhigto inuu gaadho waxaanay
isku waa faqeen inuu baxo oo iska tahriibo
maadama aysan tamar u heeyn waxaanay
meesha kga dhufatay sidii caadiga aheed geeraan
tiiran yo galiyeey Osmaan waxaanay dhaahayd
Ayaantaan is baranaa kal gaceel ijiidhoo
Raga aynigaaga ah kaa soocday adigoo
Osmaan adiga mooyee Axadkale ma eego
indhahayga adigaa ka dhameeyey eebada
ma adkeeysto awogaa ileen waa asqooboo
oheey aniga caashaqa wuu iga tan ween yahay
Raaqiyo waxaad moodaa inay sii caatoobayso
waxaad moodaa inay dadka iyo nafteeddu ay maqan
yahiin ileen waa qof dabayl cashaq jiidhay iga
bixi ala hayoow caashaqu bad weeye
Osmaan isga laftiisu kama madhna dhibka iyo
muragadan soo food saratay jaceelkiisa waxaay
talo sii gur guurtaba waxay isku af garteen
iyada macaan keedu inay qalbiga isu furaan
waxuu ku dhiiri galiyaay inuu Raaqiya ahaan uu
aduunka u maraayo una tahriibayo way ilka
cadeeysay waxaanay ku dhahaday macaanow waa la
isu soo noqon wixii nool aduunyada
Raaqiyo waa Qof meel dher wax ka eegtay waa qof
aad u dagan oo Qadarka aaminsan waxaan ka balan
qaaday inay Axdigeey dhigteen inaysan marna
aanay jabin doonin waxaa uu ugu
deeqay amaantii uu ilaahay ku maneeysatay .....waxuuna
u sheegay macaantiisu siduu ubartay inuu galaay
jawi dagan ilaahay ayaa deeqda bixiyee waxaana
igu dhaltay inaan inoo baxo
madam qaahiro aysan jirin wax leeyn ah oo lagu
baxo ADigaa Raaqiyaay qalbigeeyga dagan waxaan
marana ilaawi doonin axidga iyo wacadka aynu
meel isla dhignay waxaan kuugu mahad
celinaya macaaneey sida aad kal soonida iigu
beertay waxaana ilaahay ka barayaay marna inaan
noqon labadeena kii wacadka iyo axdiga iyo
jaceelka balanteen kii jabiya waad ogeed
dareen dhibka leh ee aan isla soo maranay
waa aduunyo macaney anigu waxaan usocdaa waa
safar tahiriiba ah wadkuna waa ku hareer socdaa
wakhtiguna waa seef camal ayuu kuu gooynayaa
waxaan ku sheegaa macaan badan inaan
rabbo hadii ilaahay kadhigo khamiista inaan soo
goosto Tikitka urdan waxaan kaa rabaa inaad
qalbiga iiga soo duceeyso xubi ........marna ha
u arkin inaan adiga kaa maarmi karo
waan kuu baahanahay xubi socdaalka dheer waxaan
u galayaa horu markeena waxaana kaa balan qaaday
inaan marna aan jaceelkeena iyo axdigaan
dhiganey inaan meel uga dhaceen
Raaqiyo wayka yeeshay waxaanay ku dhiiri galisay
inaysan marna uga baxeen balanka ay ka qaaday
hadii intuu noolyahay waxaanay u sii racisay
macaanow waan kuu duceeyna qalbiga
iyo laabta waad fasaxan tahay xubiyooow
qaaliyoow iyadoo ilina ka socoto waxaanay ku
sppp gabab gabeeysay hees xamari ah oo aad u
qiiro badan
Nafteydu Waxaanay karin
Kollaba lama doonayee
Cishqiga igu sii kordhiyo
Keenaha luquntayda suran
Waa kedis aan daawo lahayn;
Caloolyowgiyo kurbadu,
Faa'iido ma keenayaanee!
Markaan keligay tashaday
Go'aanki waxaan ka dhigay!
Dookhaygu midkuu kasbaday
Kalsooni inaan idhaah;
Kal iyo laab baan rabaa
Keligii uunbaan jeclahay!
goobtu maanta waxaa tala . waa waxaan la qiyaasi
karin . lakiin Raaqiyo caloosha ayaay xiritay
waxaaney meesha ku soo gaba gabeeysay waa
aduunyo laba kasta oo is jecel inaysan
is helin waxaana xaqiiqa ah inaysan raaxado wada
qaadan .waa iska xaal aduun Osmaan hoos ayuu u
fooraray waxaanu kor usoo qaaday madaxa wuxuuna
soo qabtay madaxeeda wuxuu ka
shumiyaay madaxa iyo labada indhood wuxuuna ku
dhahaay macaaneey ilaahay waxaan inooga tuugaa
inuu Riyadeena inoo Rumeeyo aduunka qof laga
balan qaaday malaahan waxaan kuu
sheegaa macaaney hadii aan calaf isku leenahay
waa isla raxaysan doonaa qalbigaagan kheeyr u
sheeg qalbi hadan waan iska sii baxaa xubi qalbi
so raali kama tahid inaan baxo xubi
....raaqiyo waay aamustay waxaanay dhahaday
macaanoow waan jecelahay inaad baxado lakiin
meesha aad marayso ayaa waxay tahay meel qof la
jecel yahay aan lagu aamini karin markaa
macaaanoow xaaldu waa ku qabatay iyo qadar alle
waa la iska qaataa waan qaatay ilaahayna ha inoo
fududeeyo sidaas ayaa inoo balaanahay hadana
iska sii bax gorma ayaa inoo balan
ayaay ku soo celisay ...............khamiisata
ayaa inoo balaan ah ayuu ku soo gooyaay
hadalkiisa osmaan
hadaba Osman waa safar oo wuxuu u socdaa waa
tahriib dayoow muxuu ku danbeen allaahu acalam
ilahay ayaa yaqaana
lasoco 19aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |