Hadaan booqdo barigii

Farayare iyo dalab iyo

Inta ay badheedheen

Burco ay saluugeen

Baabkeeda laabeen

Baabuurka raaceen

Saxaraha dhex qadeen

Liibaya kaaboodeen

Bada dalaq yiraahdeen



Ilaaha baa bad baadshee

Haday bariga noorweey

Nabad ay ku bariyeen

Baryo meesha joogeen

Barafka u dul qaataan

Imtixaanka baaseen

Baasaaboorka qaateen

Galad Eebe weeyee



Bari aan fogeeynbaa

Burco ay yimaadeen

Bulshadii iyo barbaartii

Boqlaal u qaybsheen

Baryo jaadka qaadeen

Baabuur cad qateen

Burco maarka tuu tiri





Bari iyo galbeed iyo

Barbariyo hargeysiyo

Curdan buurihii shiikh

Ku baashaale galab hore

Baqareerka sheekada

Bayac baa xanaaqoo

Marayare usheegoo

Dhibo iyo huruusiyo

Takar iyo xusseen wacaf

Dabo abuu xaaraariyo

Jacada iyo xariiriyo

Janaayo iyo intii kale

Isku qaade Suudaan

Saxarahii balaadhnaa

Ku bariiste waagii



Wuxuu yiri Bidhaankii

Biwaaye bayacoow

Miyaan balad la gaadheeyn ?

Bankan aan dhamaaneen

Lagu sheegay saxaraha

Ma biyo la’aanbaa ?

Miyaan baadba laga helin?

Bisinkiyo subxaankee

Ma ban geeriyaad baa ?



Wuxuu yiri bayaan shuhu

Baala leeyda duushaa

Bidhaanteeda lama helo

Waa ban aan dhamaano

Waa badweeynta oo kale

Dhulka iyo cirkibaa

Cirafyada is haystoo

Bohol iyo hog weeyaan

Baabuur haduu jabo

Haduu beelo baasiin

Waa baaba’ab iyo hoog

Waa baylah iyo ciil

Basanbaas haduu jiro

Bartan buu dhex yaala !!



Wuxuu yiri bidhaankii

Biwaaye baafoow

Barrigaa ba boholee

Bad ween iiga sheeke ?



Wuxuu yiri bashaashkii

Badu waa balaayoo

Waa Biyo wareegoo

Bahalaa ku hoos jira

Barafbaa dul yeegagga

Boqolaal ka badanaaba

Badweentaas ka hoos maray

Bilaahay baan ku dhaartee

Hadaan moowle ini bixin

Halis baan ku sugnahay

Tala deeyda qaatoo

Alaa Deeqda Bixiyee

Toloow haba tahriibana