|
|
|
|
 |
|
|
|
|
Hooyo 7 Dhashay.
|
|
|
HOOYO 7
CARUUR MATAANO AH DHASHAY
EGYPT
 |
| |
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
Ghazala Khamis
oo ah haweeney 27 jir una dhalatay Dalka Masar
ayaa ayaa cisbitaal ku yaalo Magaalada Waqooyi
ee Alexandria oo lagu magacaabo El-Shatbi
Hospital ku dhashay 7
caruur mataano ah sabtidii shalay iyadoo
mataanahaan ay afar yihiin wiilal halka sedexda
kalena ay yihiin gabdho.
"Xaaladda caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood
ayaa ah mid aad u fiican balse ay ku dhasheen
miisaan aad u yar '' Waxay ku dhasheen 1.45kg
illaa 2.80kg xaaladooda waa heer
sare" sidaa waxaa wakaalada wararka AP u sheegay
Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.
Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan
ahaa mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi
waayeen xilligii ay ku dhalasay waxayna soo
hormariyeen bil iyadoo sidaasna lagu qalay
maadaama ay dhibaato ku noqon laheed
haweeneydaan inay caadi u dhasho, Dowladda Masar
ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday caruurtaan
inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano
oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.
Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray
3 illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku
noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba
arintaan ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo
ka timid dhanka Alle, arintaan ayaa adduunka oo
dhan indho ku hayeen shalay iyo maanta iyadoo
laga yaaba in ay helaan qoyskaan gargaar
dhaqaalo maadaama ay adagtay sida lagu
koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Muuqaal Team &
Saafi Films.
|
|
|
|
|
|
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
|
|