|
Nin
hilible ah oo xaafadda shanta geed ee degmada
Howlwadaag ee magaalada muqdisha ku iibsada
Hilib uu Miis xaafadeed uu dhigtay ayaa gabar uu
jeclaa oo mar walba hilib ka iibsata wuxuu
siiyaa hilib ka badan qiimaha ay baxsato iyo
sidoo kale hilib jiir ah oo nadib ah.
Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Gurey,
gabadha uu jeclaadayna Malyuun Cabdi ayaa
hooyada dhashay gabadhaas waxay mar walba
aragtaa gabadheeda oo marka laba kun oo hilib
quraacda loo dirto wadda hilib quraac, qado ilaa
cashada ku filin oo wada jiir ah, iyadoo
hooyadaas marka ay gabadhaheeda kale adeega u
dirta ay u keenaan inta xaqa ay u leeyihiin ee
caadiga ah.
Mar dambe oo ay hooyadu u kuurgashay arrintaa
ayay ogaatay in ninka hiliblaha ah uu gabadheeda
jecel yahay, waxayna gabadheeda ku tiri “Ninka
haddii uu ku jecel yahay haku soo doonto ee
hilib aan xaqeena ahayn ha inooga soo qaadin”.
Warkan oo aanu ka soo xiganay Wargeyska Aayaha
Nolosha ayaa intaa ku daray in gabdha ay ninkii
u sheegtay dhamaan arrimihii ay kala kulantay
waalidkeed, kaddib uu sidaa ku soo doontay
gabdhii, lana siiyay.
Muuqaal
Team Muqdisho
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Muuqaal Team &
Saafi Films.
|