waxaan dhamaantood sikhaas ah u salaamayaa
akhirsta yaasha aad ka ula socda sheekooyanka cilmiyeeysan ee
aan maskaxda dadgan ku soo qoro kana soo fiirsado iyo dhamaan
inta xiisay sa sheekooyanki somaliga ah ee khuseeya
dhacdoyanki taagan.
Waxaana idinleeyahay akhristayaal
dhamaantiin meelkasta aad dunida ka joogtaan ,
aad iyo aad baan idiin salaamaya waxaanan
idin leeyahay Qalbigaa idin salaamay Asalaamu calaykum warax
matulaahi wa barakaato akhristayaal waxaan halakan idiinku soo
ban dhigayaa sheekadan ku saabsan maxaa Guurka fududeeyay
Furiinkana badiyaay ? waa mid is waydiin leh
!!!
ma hungoobo caashaqa la hayaa hareeraha
marka laba u heelani hagayaan sideena
Guurku waa shay qaali ah oo suna ah qofkasta
oo dhalinyara ah ama ha waynadee ama ha yaradee uu u baahan
yahaay , guurku ma aha wax lagu ciyaarikaro oo la fududaysan
karo waayo waxaad dhisay saa Qooys ama Guri markaad dhidibada
u taagto waxaa ku fuulaya masuuliyad aad u culus waxaanad
diyaar u noqotaa waxkasta oo Gurigaaga soo fuud saara inaad
shafka u dhigato waxaad kafaala qaaday Gabadh dhan oo reer
dhalay masuuliyadeeda waxkasta oo ay ubaahato haday mariin
tahay iyo haday masruuftahayba adiga ayaa dusha kaa
saarantahay Dumarkuna waa caruur waxay ubaahan yahiin inaad
kool kooliso kalgaceyl aad gashato oo aad soo dhawaysato
markastana aad ka war hayso waa inta ay kali tahay aanay curan
ama aanay dhalin hadba sidaad u taaqano waxaa loo baahan yahay
inaad xili hore utimaado waayo gurigoodi ayaad ka soo kaxaysay
waxaad dhexkeentay dad ama qooys ku cusub oo aanay is fahmayn
,
adiga ayaay kaa soo door biday reerkoodii
ama faamilkay la nooleed.
waxaa iska cad inaad tahay qofka kaliya ee
ay aduunka u jeceshay markstana ay u baahan tahay argtidiisa ,
guurkuna waxuu ku haboon yahay markuu ku
horyimaado calaashaan aad is bixin karto waayo waxaa markhaati
madoon ah xaaska aad qabto 1000 shilin oo aad xoogaaga ugu soo
shaqaysa inay ka ga kalsoon tahay ama ka ka jeceshahay 100,
000kun oo qofkale idinku saacido
taasna waxaa ku cad inay naftaada iyo
maalkaagaba ay jeceshay inahayga aragtiidana aad bay ugu
farxaayaaneey waayo waxaad tahay boqorkeeda ama nolasheda ,
waa labadii is doortee isku uursamadee ubad
khayrle kala hala ee ilaahay u nimceeyey
waxaa taas sii dheer inaad uyeelato samir
iyo dulqaad saayid ah waayo dumarka waa nimco ilaaheena wayni
uu inoogu nimceeyey marna waxaa laga abuuray feedh qaloocan
hadaad is tiraahdo toosi way jabaan waa inaad u dulqaadata waa
hadii ay dhabkaatahay inaad qoys abuurto waxaa hore loo yidhi
haween u samir ama ka samir .
Hadaan dib ugu noqono wakhtigii hore
somalidu u soo martay waxaa la ahaa dad dhaqan leh oo islaam
ah ilaa 1000 Awoow dadkuna waxaay lahaayeen xeer aan la dhaafi
karin oo aan ku dhaqano waxay dumarku ku jireen kaalinta ugu
qaalisan bulshada dhexdeeda, dumarkuna raga aad ayaay u ga
danbeeyen aadna way u sharfi jireen may aheen gumaysi dumarka
la guumaysato lakiin waxaa ku jirtay danta reerka, umadkasta
oo aduunka ku noolna waxay lahayd dhaqan hadaan xeerkii hore
aan dib u fiirino dumarku waxaa loo doonan jiray reerkay ka
dhalatay haduu aabaheed nool yahay waxaa loo gogal dhigan
jiray familka ay ka dhalatay si sharaf leh , hadii la isku
afgarto arintaas waxaa la bixin jiray sooryo iyo yarad noocay
doonto ha ahaatee , inkastoo xoolo lakala qaadan jiray
xilaagas oo aanu doolar jirin habadnaato ama ha yaraatee
gabadha iyo wiilka la isu doonayo waxaa laga
yabaa inay hal habeen is arkeen ama ceel xoolaha laga
waraabiyo isku arkeen siday noqotaba waa la isku dooni jiray
waayo somalidu intii isku dagaana ah way is taqaanay waxaana
kuu cadayanaysa Maah maahda tiraahada Wax Layqaan Guurso wax
la yaqaan hakuu Dhashee , somalidu Waqooyi iyo Koonfur meel
kasta oo ay joogto waxaay ka sinaayeen xurmaynta dumarka ama
Qiimaynta dumarka , waayo dumarku waa lafdhabarta guriga
ninkstoo inga mid ah na waxaa lagu soo dhaqay gurigooda
wanaag,
waxaana xaqiiqo ah Hooyo la soo xumeeyey ama
la soo gumaystay majirto hadii sida dhabata ah hoos u sii
eegno somaliya waan ka wada nimid waalidkeena waan soo aragnay
hadii dumarka la gumaysan jiray waan arki lahay ama maqli
lahayn dhaqan keena ayaan ku arki lahay , waxaan dhaba ah
somaalidu waa indho ku garaadle,
mida aan ku garaadsanay ama aan shaahid ka
nahay waa in Aabuhu uu Guriga Hogaankiisa hayay oo hadii biil
loo baahdo iyo hadii aduunyo kale loo bahadaba loogu tagi
jiray , Hooyaduna ilaahay ha dhaafee Guriga iyo ciyaalka ayaay
daryeeli jirtay waxaa lagu jiray nolol aad u macaan oo raali
la iskaga yahaya ,
dadkuna sharaf ayuu lahaa daris iyo qaraabo
waa la is xurmayn jiray waana la is jeclaa waxaana Hooyada
somaliyeed ag teeda ceeb wayn ka heed in la Furo calafuku waa
halkiisa lakiin si fudud Hooyo ama gabadh la guursaday laguma
Furijirin ,waxaana maqaalo iga ah in hadii Ninka ay ka soo
godo inuu furo Gabadha ay qabsan jirtay Udub dhexaadka guriga
taasna waxaa iiga cadaatay in ay ceeb wayn ka aheed Furiinku
dumarka somaliyeed dhexdooda ayaado markasta ay hor iman
jirtay heblaayo waa la soo furay ,hadii ay dhacdan inta badan
gobalkaas way ka tagi jireen meelkalaanay aadi jireen 90%
dumarkaasi iyo goo aad ugu xun furiinkaa ayaa waxaay la hadhi
jireen oo ninka ka reeban jireen caruurta haday haysato ,
gabadha la furay hadii kalana way iska tawa kali jiray oo
gobalkale ayaay aadi jiratay u calaf doonan jiratay ,
laakiin hada waxaa badalay dhaqaankeenii
wanaagsanaa ee soo jireen ka ahaa ee diinteena islamka ah ku
tiirsanaa waxaa la tabaan karaa in la fuduysatay guurkii laga
soo bilaabo 1990kii waxii ka danbeeyey waxaa laga tagay
xishoodkii dhaqankii waxaa yaraaday wax yaalahii dumarkii hore
ka gaabsan jireen , waa canab gabadhuhu ceeb looma quudhee
waxaa aad loo qafiifiyaay ama loo sahlay
guurkii waxaana soo batay furiinkii sanad hii ugu danbeeye
1995/2007
waxaa arkaysaa gabadh yar o 18 jir ah ama ka
yar oo laba jeer la soo furay haysatan caruur kala nooc ah oo
qadayasa dookhiyo naftaa ii heshiiyay waxaan dayaaybaan dib u
bilabay waxaana sabab u ah ka fiirsa sho alaanta haysata
dhalinyarad manta raga iyo dumarba .
waxaan muhiimadu saarantahay inaa ka taxa
diraan dumarka waayo gabadh nimadu waa shay qaali ah oo hal
mar soo marta dumarka waana fursad aay ku gaadhi karto
mustaqabalkeeda oo dhamaysatiran waxaan raali laga wada
nooqaday in la isku guursado waan kaahelay iyo walaahay
naftayda ayaad cajibisay qofyahay kawaran hadii aan isku
dhufsano walaahay waxaba kama qabo ok wadaad inoogu yeer yaa
shuhuud noqon xasan rabi iyo jeey santaana wadadku laftiisa
waxaa laga soo qabanay meel halkan dhoow waxuu leeyahay
wadaadow qoftan waan iska helnay waxaan isku afgaranay ama
raali iskaga nahay inaan is gursano cidiina wadan ka majoogaan
somaliya ayaa dagan yahiin meel aan kala xidhidhno malaahan
waxaan wadnaa wiil ay gabadha ilmaadeer yahiin markaa hoosha
noo fududee shiikh aloow xooga ayaa halkii ayaa las isgug
dhufsanaya mudo ayaa la is qabayaa hal cunug ayaa la kala
dhalayaa xaajir waad iga hortimid ayaa hortaala iyo walaahay
waan iska kaa dhex arkay xaajiyoow hadii aynu isu gooyno
kawran waxaba kama qabo halkii ayaa gurigii lagu bur burinaya
taasin waa nasiib darada ugu wayn ee haysata somalida maanta
waxaa jirata wiil iyo gabadh ayaa mudo wada
sheekaysanaya waxaa go'aan lagu gaadhay ina cida la is
waydiisto wiilku akhyaar ayuu dirsanaya xaajiga gabadha dhalay
ayaa loo tagay hooshan waa la dhamaynaya waxaa la galayaa
Qarsh badan gabadha aroos ayaa loo samaynayaa mudo markay is
qabaan ayaa lakala booddayaa sabab la'aan ayaa lagu kala
tagaya inagu kala wada ayaa ka dhacaysa waanad iga furan tahay
maxaa reerkasi ku bur buray mala yaqaan .wiilka waxaa cado u
noqnaysa ina gabadha kasta markuu guursado uu si fudud uu ku
furo ,
gabadhiina sidoo kale inay siyar markasata
ku gurusato nin taasina waxay sabab u tahay guurka kala nooca
ah inay dhib wayn u tahaay inuu qofku uu sal dhigo oo meel
qudha ku raxaaysato oo nolashiisa habi ku noqoto , waayo qofku
markuu guur guurkiisu bato meelna kuma nagaado ,
waxaan dhab ah in dhalin yarada sidaas
yeelayasa aanay waxba ka aqoon nolasha qooyska la abuurayo
waxaan dhihir karaa mafahansan diinta islamaaka waayo guurku
waa shay suna ah qof haday diinta fahan san yahiin waxyaalo
badan fudeed maka dhiganayo ,waxaa muhiim ah in diinta la isku
dhaqo hooyaduna ay u samirto aabaha , lana is waydiiyo maxaa
reerka dhisan lagu bur burinaya
bariggii hore gabadhi haday ninka isku
dhacaan ama ay is fahmi wayaan way soo dudi jirtay gurigooda
ayaay iman jiratay markaas ayaa xalada la dhexgali jiray
waxksta oo jirana waxaa laga hor marin jiray jirtaanka qooyska
gabadhan guriga ayaa lagu celinjiray waxaana la xalin jiray
waxkasta oo dhexyaal qoyska ,
wakhtigana xadirka waxaa dhacdainay guriga
imanayso gabadhii oo boorsadeeda wadata ama magaalada ayaay
hore u sii galaysaa waxaanay laga yabaa iyadoo arinkeedu cusub
yahay in ay iska fasaqdo ninkeeda taas xataa haday dhacdo oo
la furo gabadha waxaay hore ka sii aroosay saa ninkale iyadoo
aan cadad bixin inay waana arin xaaqiiqa ah oo ku cusub
bulshada cusub somaliyeed meelkasata oo ay joogaan waxaana
sabab u ah dhaqankii oo laga talaabsaday diinta oo aan hoos
loo eegin arinkani waa mid hada socda gabadha hore ayaa laga
soo furaa hore ayaay ninkale ka guursanee kkkkk waa yaab ninka
kale ma aqaan meel muu diyara ugu ahaa yaabka yaabkiis
sowtuu abwaan xasan ganay hore u yidhi umad
waliba dhaqankeed dhalashan tixraaceed hadaba
Qurubaha waxaan noqonay dadka aduunka ugu
fudud ee dhaqankooda hore kabadalay badalay waad aragteen
afrikaanka dhaqoonkoda way haystaan hindada saari ayaay ku
wareegaan waa la aqaano sadaa ok inagu xagay ku lunay intaan
raadinayno meel aanan gaadhayn ayaan lunay
horaa loo dhahay waxaanad taaban karayn
hadaad tiigso tidhaahdo isku taala horaad iyo tagood ka
jabataa tusaaluhu waxaa weeye dhalinta maanta waxaan ku dhiiri
galinayaa in ay aad ugu fiirsadaan dhanka ay kula kulmeen
wadamdamada reer galbeedka gabdhuhuna ay ka faa iidaystaan
fursada gabadhnimo ee ay haystaan ee aanay mustaqbalkooda ku
ciyaarin nolashan meesha ugu wanaagsan ay ka galaan guurkana
aan lagu takrifalin waayo waxad tahiin nolasheen mar waad na
dhasheen marna waan idiin dhaxnay waanad nala dhalateen waana
noloshuna waxay ku macaantahay in lakala danbeeyo dareenka
caashaqa na la is dhadhan siiyo