|
e
Dardaarankii Nabigeena NNKH
Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo
wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.
Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay
Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii
ugu horreeyay wuxuu ahaa
Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu
maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii
cuslaaday. Sayid-Bilaal ayaa aadamay
aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay
albaabka guriga Nebiga,
wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa
rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: 'Rasuulkii
Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay,
markii salaaddii
cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay,
wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale,
dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka
wuxuuna yiri: 'soo gal
Bilaal', waana soo galay Bilaal isagoo
ooyaya Rasuulkuna (SCW) wuxuu yiri Bilaalow
jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo
salaadda dadka Abuubakar
Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa
gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa
noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.
Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku
yiri 'Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda
tujiso' Abuubakar markii uu arkay mixraabkii
uu Nebigu (NNKH)
istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay
nafsaddiisa waana la miir daboolay waana
qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey
qeyliyeen, qeyladii ayuu
maqlay Nebigu (NNKH) wuxuuna weydiiyay
gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ' Faadumoy
waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?'
waxay tiri
Faadumo 'Muslimiintii ayaa qeylinaya markey
ku waayeen'. Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid
Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba
galeen waxeyna geeyeen
masajidkii salaaddii ayuuna ka bixiyay
asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH)
la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: 'Waxaan
idiin
dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa
cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad
amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa
(ka tagayaa) adduunyada,
maantana waa maalintii iigu dambaysay
adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro'.Intaa
kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey
gurigiisa,
|
|
Illahay ayaa u
waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: 'Hoobo (u
tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH)
uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso)
marka
aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan
weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse
haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo
laabo'.Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena
Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer baadiye
ah, wuxuuna yiri: 'Assalamu calaykum ma soo
galaa?' Faadumo
ayaa la hadashay oo tiri: 'Ninyahow rasuulkii
illahay wuxuu ku mashquulsan yahay
Nafsadiisa'!!Malakul-mowt mar labaad ayuu ku
celiyey salaantii,
waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka (NNKH) ayaa
Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa ninka?'. Faaduma
waxay tiri: ' Maya' rasuulku wuxuu yiri: 'waa
ninka
gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka
is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta,
ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga,
waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt'.Faaduma
markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay
ooysay, waxayna tiri: ' masiibo ayaa nagu
dhacday, waxaana
dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey
ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka
imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena,
maanta
kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.Rasuulku
wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu
horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)'
wuxuu kaloo
rasuulku yiri:' malakul'mowdow soo gal' wuuna
soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. 'Assalamu
calayka yaa rasuullulaah' rasuulkuna wuxuu
yiri 'wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma
waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise
inaad iga qaado nafta?'.Malakul-mowt wuxuu yiri:
'waxaan
kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado
nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii
idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu
yiri: 'malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay
malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:'waxaan
uga soo tagay samada adduunyada', isla markiiba
waxaa
yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga
madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: 'miyaadan
ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:'waan
ogahay
rasuulkii Illaahayow'.Rasuulku wuxuu yiri: '
iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo
karaama ah (wanaag ah)'. Malakul-jibriil wuxuu
yiri: 'albaabada samada waa la wada furay,
malaa'igtii illaahayna saf bay galeen iyagoo
sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada
furay'.
Rasuulku wuxuu yiri: 'iigu bishaaree siday ahaan
doontaa ummadaydu maalinta
Qiyaamaha?'.Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'waxaan
kuugu bishaaraynayaa
Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u
diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo,
sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha
illaahay
oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka
galaan'.Rasuulkuna wuxuu yiri: 'hadda ayuu diib
noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana
suushay
murugtii'.Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow
ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday
naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo
gaarto
xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: 'maxaa darnaan
badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka', wuxuu
kaloo yiri: 'malakul-jibriilow ma waxaad
dhibsatay fiirinta
wijigayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yiri '
Illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu
fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya'. Aanas
Binu Maalik wuxuu
yiri: ' Nabigu markay naftu kabaxaysay wuxuu
lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo
wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.Rasuulkii
Illaahay
waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha
rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid.
Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa
la dayn
lahaa rasuulkii Illaahay:Rasuulka waxaa mayray
Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal
bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la
karfanay, waana
lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee
qolka Caa'isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la
duugay Suubanaha (NNKH.) fadlan: UDIR.
(gaarsii) walaalahaaga muslimiinta ah: adigana
ajir & xasanaad allaah kaa siiyo,aamiin aamiin
aamiin
-------------------------------------------
Xaquuqda waxey u dhowran tahay Saafi
Films Company.
-------------------------------------------
|