|

Marka hore waxaan halkan idiinka soo gud
binayaa salaan aad u qaali ah dhamaan bah waynta
wepsetka saafifilms uu ila shaqayeey una gaadh siiyo aduunka
qoraalda xikamadeeysan ee maskaxadayada ka soo maxaday dhamaan akhritayaasha
saafifilms waxaana idin leeyahay Aslaamu Calaykuma Warax
Matulaahi W.b
Magacay gu waa c/naasir ahmed qayre oo ku mac dheer {RAGANIMO
}
waxaan ku noolahay wadanka masar khastan qaahiro waxaan aad
iyo aad igu mahad celinyaa sida aad ii sharftay ee aad
ila shaqayso khastan jibriil iyo bahada reer saafifilms , hadaan
hoos ugu daadago sababta igu dhalisay maansadan waxaan ka
seexan wayaay wax yaalaha ka dhacaya somaliya iyo sida ay
uga aamuseen aduunku iyo abwaanadii waa wayna ee somalia
waxaan dhamaan ku baraajinayaa abwaanada hobalada iyo
dhamaan intii wax garad ah inay af iyo aduunba loogu
deeqo somaliya
waayo afkuna hiilimaad wuu galaa
maxaa looga aamusay masiiboyinka ku hab saday somaliya
...........waad mahad santahiin
maansadan way furan tahay cidii doonta aya ka soo qayb
gali karta
waxaana ugu magaca daray maansada ama salisiladan
DADKA YAA UMAQAN KOOW
DALKA YAA U HADHI LABA
WAAD MAHAD SANTAHIIN
DADKA YAA U MAQAN!!!?
DEELEEYDA DAADKA AH
BARYAHAA MA DABA GALIN
DIBNAHAYGA MAAN FURIN
DABARKIINA KEEDA MAAN XIDHIN
DADKII HORE MA DABAGALIN
DEELKAA I GUBAYOO
DAREENKAYGA KICIYOO
DALKA DAAFAC IGU YIDHI
DANYAR CAAWI IGU YIDHI
DADKA JIIFA KICI YIDHI
DHAHAB WEEYE MAANSADU
DURUUS WEEYE QAALIYA
MA DUUGOOWDO WALIGEED
DANYAROOW DADKAYGOOW
DAHABOOW DALKAYGOOW
DOWLADII TIMAADAA KII AY
DUMINAYSOOW
DUUFAANTA SOCATAA KII LAGU
MANAYSTOOW
DOQONKII LA DOORTAA KII
UU DALOOSHEE CADAWGA
U HAGAANSHOOW
DUMARKA IYO CARUUTI KII
DABADA DHIGAYOOW
DAARIHII BAKAARAHA
KII DAADKA RACSHOOW
DUQAYDA IYO CIROOLAHA
KII DARIIQA WADHAYOOW
DUUNYADII LA DHAQI JIRAY
KII AMXAARKA U KEENOOW
DADKA KII DAMQANAYEE
DIIRKIISU KACAYEE
JIDHKU UU DUBAAXSHOOW
DALKII WALAA LAHAYTAA
MAAT DOOX AYAA YIMID
DAWLADAHA ADUUNKUNA
DUULKA LAAYA MOOYE
DIB NAHOODA UMA FURIN
INADHAY ISKA OOWADEEN
DHAGAHAY FUREEYSTEEN
DAAHABAY ISKA SAAREEN
DANYARTII DHAMAATOO
DAAFAHA ADUUNKAY
DACALADA UKALA TAAL
AYAGOO ASQOOBE GAAJO
AY DILOOTAY DARBIYADA
KA OO YAAN
ILAAHBA SE NOO MAQAN
DEELAYDA SOCATAAY
DOOD BAAN KU DABA DHIGAY
DEEXAANTA MAANSADA
AADAN TARABTI TIRIN JIRAY
HAAD RAAWI DUBI JIRAY
XASAN GANAY KAA AAMUSAY
SANGUBKII XIDIGIN JIRAY
ISNA UU YAMADA GALAY
MAANIGA DADGAADHSIIN
ABWAANADA DALKAYGOOW
DADKU WAA DADKAAGII
DALKU WAA DALKAAGII
DOQOQNTII USHEEDII
DUSHA SARE LAGALA DHACAY
DUHURKII WALAALKEED AYAA
DOOXA LAGU DILAY
ADIGAA HADRAAWOOW
GABAYDA KU ODHAN JIRAY
DAWI MAXAMED XAASHOOW
ANIGUNA KU DAYASHADA
HADDAAN DAYRO KAA DHIGO
ANAA DAAWADII FURAY
DACARTAA MAR MALAB NOQON
DAHABKAA MAR MAAR NOQON
DOQONTAA MAR CADOW NOQON
DARYEELOOW CABAASOOW
DAKAN YAA UMAQAN KOOW ?
DALKA YAA U HADHI LABA ?
DURUUFAHA XILAGA JIRA
DUCAAN UGA SAD DHIGAYNAA
DEELAYNA IGA FURAN
AAMINTA ILA WADA
ILAAHOOW NA DARAJEE
NAGA YEEL DAD DAACADA
ISLAAM NIMOC KU DAAHIRO
RABOOW DOOWLAD CAADILA
ADAAN KAA DAL BAYNAA
SHACABKAA DHAMAADEE
HAADKU UU CIDLADA DHIGAY
DAMIB MAYSA GALINEE
ADAA DALAACANEYEE DAGDAG
DEEQ U GAADH SII
INTA XUMAHA WADA TANA
DULMIGOODA NAGA QABO
DABEYL CAAFIMAADIYO
CIRKA ROOBKA SOO DA'A
NIMCAADA DALABNEE
DUL AHAAN HESHIIS IYO
XAL DAG DAG AH NOO KEEN
AAAMIIN AAMIN AAAMIN
------------------------------------------------
W.D: Abdi
Naasir Qeyre.{Abtiga}
E-Mail:-Kolya571@hotmail.com
----------------------------------
|