Latest news update

Daawo sawirada laba nin oo ajaanib ah oo Shabaab ka tirsanaa oo basaasnimo lagu eedeeyay.

All Shabaab accuses foreign of Kenyan origin being spy inside them.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaal laga duubay sadex nin oo Kenyan ah kana tirsanaa dagaalyahanada Kooxdaasi , ragan ayaana Shabaab ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis si hoose ula shaqeenayay Dowlada Kenya.

Al Shabaab ayaa sadaxdan nin ay soo bandhigeen ku eedeesay in ay ahaayeen jawasaiis dhaxdooda shaqo ka waday lana shaqeenayay Sirdoonka dalka Kenya iyo kuwa kale, waxaana Muuqaalka ragan laga duubay ku qirteen in ay basaas u ahaayeen dowlada Kenya.

Ninka koobaad ee Shabaab soo bandhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdallah Talaal Muuse oo 28 jir ah, kana soo jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ninkan ayaana Al Shabaab kusoo biiray sanadkii 2010-kii .

Ninkan ayaa sheegay in sanadkii 2012-kii uu lasoo xariiray nin lagu magacaabo Battaar oo ka tirsan guutada ATPU ee sirdoonka Kenya, waxa uuna xusay in ninkaasi ku tashkiiliyay in uu la shaqeeyo Sirdoonka Kenya una soo gudbiyo sawirada iyo numberada Hogaamiyaasha Shabaab.

“Waan u diray dhamaan Lambaradii iyo sawiradii uu iga dalbaday, waxaana ugu dhiibay haweeney uu ii soo dirsaday ,Waxaan siiyey Memory 8GB ah oo ay ku jiraan dhamaan macluumaadkii laga iga rabay oo uu la socdo Numberkii Batar, Markii ay Kenya tagtay, wey geysay Memory-ga, waxaana i soo wacay Batar oo ii sheegay in uu helay alaabtii aan u soo dhiibay, ka dibna wuxuu ii soo diray $300. Batar wuxuu horay iigu sheegay in uu isiin doono $200, oo ah abaalmarinta dalabka aan ku waafaqay ee ah in aan isaga la shaqeeyo, ka dibna uu ii bilaabi doono mushaar bil kasta ah oo $100.” Ayuu yiri Cabdulaahi Talaal.

Ninka Labaad ee soo bandhigeen Al Shabaab ayaa isna lagu magacaabaa Cabdi Casiis Mukayo Omambia, ninkan ayaana sheegay in asalkiisu gaal ahaa balse markii dambe qaatay Diinta Islaamka

Cabdi Casiis Mukayo Omambia ayaa sheegay markii uu qaatay diinta Islaamka lagu qal qaaliyay in uu Shabaab ku biiro uuna uga soo dhax gudbiyo Xoggo sirdoon, waxa uuna tilmaamay in uu ogolaaday arintaasi uuna Soomaaliya ku yimid howshaasi isaga iyo rag kale.

Ninkan ayaana sheegay in ay u suurto gali weysay howshii shaqo ee lasoo diray isaga iyo rag kale, waxa uuna intaa raaciyay in ragii kale qaarkood baxsadeen kuna laabteen gudaha Kenya balse isaga lasoo qabtay xili uu doonayay in uu Kenya ku laabto.

Ninka Sadaxaad ee Shabaab ku sheegeen Jaajuuska ayaa lagu magacaabaa Hashim Cusmaan Shelali oo kasoo jeeda magaalada Mombasa, waxa uuna ninkan isna qirtay in Sirdoon Caalami ah oo raadinayay xogta Nin Brtish ah oo Shabaab kusoo biiray.

Waxa uu sheegay in Sirdoonka lasoo xariiray ay is fahmeen uuna u gudbiyay xogo ay kaga baahnaayeen, waxa uuna intaa raaciyay in markii ugu horeesay uu ka qaatay lacag dhan $2653 dollar oo lasoo dhigay Xawaalada Dahabshiil.

Al Shabaab ayaa horey u toogatay rag Ajaaniib ah oo qaarkood u dhasheen dalka Kenya kuwaa oo Al Shabaab ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis la shaqeeneysay Sirdoonka Kenya iyo kuwa Shisheeye.

Back to top button