Nabiguna
–nabadgelyo
iyo
naxariisi
korkiisa
ha
ahaatee
–
wuxuu
yiri:
“Qofkii
sooma
Rabadaan
iimaan
ahaan
iyo
asiga
oo
Eebbe
dartiis
u
yeelaya
waxaa
loo
dhaafaa
wixii
dambi
ah
ee
uu
hore
u
falay”
Waxaa
soo
weriyay
al-Bukhaari
iyo
Muslim.
Kolka
walaalayaal,
soonku
sida
ay
yihiin
cibaadooyinka
kaleba
wuxuu
leeyahay
waajibaad
iyo
shuruudo
iyo
waxyaabo
burrinaya
ay
waajib
ku
tahay
qofka
sooman
in
uu
barto
si
soonkiisu
u
ahaado
mid
sax
ah
loogana
aqbalo
Eebbe
agtiisa
nasahnaayee
oo
kor
ahaayee.
Waajibinta
Soonka
Soonka
waxaa
la
waajibshay
sanadkii
labaad
ee
Hijriyada
Rasuulkuna
–nabadgelyo
iyo
naxariisi
korkiisa
ha
ahaatee-
wuxuu
soomay
sagaal
sano
kadibna
wuu
geeryooday.
Soonka
bisha
rabadaan
waajibnimadiisuna
waa
mid
la
ogyahay
oo
diinka
lamahuraankiisa
ka
mid
ah.
Shuruudaha
uu
soonku
ku
waajibayo
Soonku
wuxuu
ku
waajibayaa
qof
kasta
oo
muslim
ah
oo
qaangaar
ah
oo
caqliqab
ah
oo
awooda
in
uu
soomo
oo
aan
ahayn
midda
xaylka
qabta
ama
nifaaska
iyo
qofka
jirran
ee
aan
la
filayn
in
uu
raysandoono,
iyo
qofka
waayeelka
ah
ee
aan
soomi
Karin
waayeelnimo
awgeed.
Kolka
soonku
ka
ansixi
maayo
qof
gaal
ah
asalkiisu
iyo
qofka
diinta
ka
noqday
(murtad),
kana
ansixi
maayo
haweenayda
xaylka
qabta
ama
nifaaska.
Haddii
ay
soomaan
inta
dhiiggu
ka
socdo
way
dambaabeen
waana
in
ay
qalleeyaan.
Soonkuna
ku
waajibi
maayo
carruurta
aanan
qaangaarin,
hase
ahaatee,
haddii
toddoba
sano
uu
dhamaysto
oo
sanadka
dayaxa
lagu
xisaabo
ah,
waxaa
ku
waajib
ah
qofka
ka
gacanta
ku
haya
in
uu
faro
soonka
haddii
uu
awoodo.
Soonkuna
ku
waajibi
maayo
qof
waalan
in
uu
qalleeyana
loogama
baahna,
waajibna
kuma
aha
qofka
jirran
in
uu
soomo
haddii
uu
dhibayo,
qofka
safarka
ahna
ku
waajibi
maayo
haddii
uu
safar
dheer
ku
jiro,
waana
in
ay
soo
qalleeyaan
(kan
jirran
iyo
kan
safarka
ah).
Haddii
uu
soomo
kan
jirran
ama
midka
safarka
ah
wuu
ka
ansaxayaa,
haddii
uu
dhibana
waa
ka
xaaraan
(in
ay
soomaan),
soonkuna
ku
waajibi
maayo
qof
waayeel
ah
oo
wayn
cabsi
laga
qabo
in
uu
baaba’o
ama
dhinto
darted.
Waajibaadka
Soonka
1.
Niyada:
oo
qalbiga
ah,
shardina
ma
aha
in
uu
qofku
ku
dhawaaqo,
waana
waajib
maalin
kasta
oo
soon
ah
habeenkiisa,
mana
ansaxayo
soonku
niyad
la’aan,
wuxuu
laabtiisa
ku
leeyahay:
“waxaan
niyaystay
in
aan
soomo
burrito
oo
ka
mid
ah
bisha
Rabadaan”
.
Waxaana
ku
waajib
ah
midda
xaylka
qabta
iyo
tan
nifaaska
qabta
haddii
dhiiggu
ka
joogsado
habeenka
soonka
in
ay
niyaysato
soonka
maalinta
burrito
ee
rabadaanka
ah
inkasta
oo
aanay
dhiiggii
ka
qabaysan.
2.
Afqabsiga:
Waana
in
afka
laga
qabsado
cuntada
iyo
cabidda
iyo
in
aan
caloosha
ama
madaxa
ama
mindhicirada
la
gelin
wax
jirmi
leh
inkasta
uu
yaryahay
oo
aan
meel
furan
laga
gelin
sida
afka
ama
sanka
ama
horey
ama
gadaal
laga
billaabo
waaberiga
(kolka
salaadda
subax
gasho)
inta
ay
qorraxdu
ka
dhacayso.
Qofkii
cuna
ama
caba
asiga
oo
illowsan
sikasta
oo
ay u
badanyihiin
afurimaayo,
haddii
uu
doono
soon
sunno
ah
ha
ku
jiree,
maxaa
wacay
Nabiga
–nabadgelyo
iyo
naxariisi
korkiisa
ha
ahaatee-
ayaa
yiri:
“Qofkii
illooba
asiga
oo
sooman
ee
cuna
ama
caba
hadhamaystiro
soonkiisa
Eebbe
ayaa
quudshay
oo
waraabshaye”
waxaa
soo
weriyay
al-Bukhaari
iyo
Muslim.
Waxaa
kale
oo
waajib
ah
in
laga
reebtoomo
isutagga
raga
iyo
haweenka
iyo
manida
oo
la
iska
keeno
ayada
oo
la
booraysanayo
ama
la
begsaarsanayo
maxaa
yeelay
wuu
afurinayaa.
3.
Waqtiga
oo
la
aqoonsado:
kol
haddii
waqtiga
soonku
yahay
waaberiga
iyo
qorraxdhaca
inta
u
dhaxaysa
waxaa
waajib
ah
in
la
aqoonsado
waqtiga
labadiisa
dhinac
oo
qofkasta
ooqaangaar
ah
oo
soomaya
ku
waajib
ah.
Qofkii
cuna
waaberiga
kadib
asiga
oo u
malaynaya
in
aanan
waagii
wali
beryin
oo u
malaynaya
in
aanan
waqtigii
salaadda
subax
wali
la
gaarin
soonkiisii
wuu
buray
waxaana
laga
rabaa
in
uu
qalleeyo,
waana
in
uu
afka
ka
qabsado
waxyaabaha
lagu
afurayo
inta
maalintaa
ka
hartay.
Waxaana
taa
la
mid
ah
haddii
uu
cuno
inta
aanan
qorraxdu
dhicin
asiga
oo u
malaynaya
in
ay
qorraxdii
dhacday
kadibna
waxaa
u
caddaatay
in
aysan
dhicin,
soonkiisii
wuu
buray
waana
in
uu
qalleeyo
maalintaas.
Eebbe
wuxuu
yiri
kor
ahaayee:
“Kadibna
soonka
dhamaystira
taniyo
habeenkii”
[al-Baqarah:187].
Qorraxda
dhiciddeeduna
waxay
astaan
u
tahay
habeenka
soo
geliddiisa.
4.
Islaamka
In
Lagu
Nagaado:
Waxaa
ku
waajib
ah
qofka
muslimka
ah
in
uu
ku
nagaado
diinta
Islaamka
si
joogto
ah
inta
bisha
Rabadaan
lagu
jiro
sida
mararka
kaleba.
Kolka
waxaa
ku
waajib
ah
in
uu
ka
fogaado
waxyaabaha
kufriga
ah
jaadadkooda
saddexda
ah:
-
Kufriga
ictiqaadiga
ah,
sida
qofkii
rumaysta
in
Eebbe
jismi
yahay
ama
ilays
yahay
ama
ruux
yahay
ama
diidaya
waajibnimada
salaadda
ama
soonka
ama
xalaalaysanaya
qamrada
cabiddeeda.
-
Kufriga
falka
ah (Ficliga
ah)
sida
kitaabka
Quraanka
ah
oo
qashinka
lagu
tuuro.
-
Kufriga
hadalka
ah (qowliga)
sida
qofkii
caaya
nabi
nabiyaasha
ka
mid
ah
ama
malak
malaa’ikta
ka
mid
ah
ama
ku
jeesjeesaya
salaadda
ama
soonka
ama
axkaanta
diinka.
Maxaa
yeelay
qofka
soomani
in
uu
imaantoosan
lahaado
waxay
shardi
u
tahay
ansixidda
soonkiisa,
kufriguna
wuxuu
burrinayaa
soonka.
Kolka
qofkii
kufri
ku
dhaca
asiga
oo
sooman
soonkiisii
wuu
buray
waxaana
laga
rabaa
in
uu
degdeg
diinka
ku
soo
laabto
asiga
oo
ku
dhawaaqaya
labada
shahaado
kadibana
waa
in
uu
afka
haystaa
inta
maalinta
ka
dhiman
asiga
oo
ixtiraamaya
soonka
kadibna
uu
qalleeyo
maalintaas
ciidda
kadib
si
degdeg
ah.
Waxyaabaha
Soonka
Burrinaya
1.
Cunitaanka
haddii
uu
doono
ha
ahaado
xabbad
sinsin
ah
wax
la
eg
ama
wax
ka
sii
yar
asiga
oo u
kasaya
oo
aan
lagu
dirqin
oo
og
in
ay
xaraantahay
iyo
cabitaanka
dhibicba
ha
ahaatee
biyo
ah
ama
daawo.
2.
Wixii
sanka
lagu
dhibciyo
iyo
dhegaha
iyo
sidoo
kale
wixii
horey
lagu
shubo.
Mad-habta
shaaficiyada
culmadeeda
qaar
ka
mid
ahna
waxay
qabaan
in
aanay
burrinayn
soonka
dhibicda
sanka
lagu
dhibciyo.
Wixii
isha
lagu
dhibciyana
burrinmayaan,
cirbadda
la
isku
durayana
burrinmayso.
3.
Waxaa
kale
oo
soonka
burrinaya
isutagga
raga
iyo
haweenka
maalinnimada
ayaga
oo u
kasaya
oo
ikhtiyaar
u
leh
oo
xasuusta
in
ay
soomanyihiin
haddii
ay
doonaan
yaanay
biyo
ka
imaane.
4.
Naagtana
haddii
uu
ku
dhaco
xayl
ama
nifaas
qorraxdhaca
horraantiisaba
ha
ahaatee
way
afuraysaa.
Waxyaabaha
Soonka
Ku
Habboon
(Mustaxab)
Waxaa
ku
habboon
soonka
amuurahan:
1.
Afurka
oo
la
dedejiyo:
haddii
la
hubsado
qorraxdu
in
ay
dhacday
maxaa
yeelay
Nabiga
–nabadgelyo
iyo
naxariisi
korkiisa
ha
ahaatee-
ayaa
yiri:
“Dadku
khayr
bay
ku
sugnaan
doonaan
inta
ay
afurka
soo
dedejinayaan”
waxaa
soo
weriyay
al-Bukhaari.
Waxaana
habboon
in
la
yiraahdo
kolka
la
afuritago:
“Eebbow
adiga
ayaan
kuu
soomay,
dheeftaada
ayaanna
ku
afuray”.
2.
Saxuurta
oo
dib
loo
dhigo:
In
saxuurta
dib
loo
dhigo
inta
laga
gaarayo
habeenka
dabayaaqadiisa
inta
aanan
waaberiga
la
gaarin
biyo
la
kabbadaba
ha
ahaatee.
3.
Saddaqada
iyo
Xiriirinta
Qaraabada:
Waxaa
sidoo
kale
wanaagsan
in
uu
qofku
aad
wax
u
saddaqaysto
iyo
quraanka
akhriskiisa
iyo
masjidka
oo
lagu
ictikaafo
(nagaado)
gaar
ahaan
tobanka
dambe
ee
bisha
soon
iyo
dadka
sooman
oo
la
afursho.
Haddii
uu
mid
dabbaal
ah
caayana
uu
yiraahdo:
anigu
waan
soomanahay.
4.
Carrabka
oo
la
dhowro:
Waxaa
habboon
in
uu
ku
dadaalo
qofka
soomani
in
uu
afkiisa
ka
reebo
xanta
iyo
diradiraha
iyo
hadalka
xun
iwm
ee
xaaraanta
ah.
Wuxuu
yiri
nabigu
–nabadgelyo
iyo
naxariisi
korkiisa
ha
ahaatee-
“Waxaa
lagayaabaa
in
mid
soomani
uusan
soonkiisa
ka
helin
wax
aan
gaajo
ahayn”
waxaa
soo
weriyay
Ibn
Maajah.
Maxaa
yeelay
kabaa’irta
qaakeed
soonka
xasanaadkiisa
maalintaas
bay
tiraysaa,
kolka
qofkii
aan
ka
dhowrsan
diradiraha
iyo
xanta
iyo
cayda
xaqdarrada
ah
iyo
markhaatiga
beenta
ah
xasanaadka
soonkiisa
maalintaas
waa
lumi
ogyihiin.
waxan
ilahay
ka
baryaayaa
inuu
inaga
aqbalo
soonka
inaga
yeela
kuwii
ku
najanaxa
Aamiin
Aaamin