NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

Qalad Maan Ka Galay Qiimaha Jaceylka ?

 

Part 6

Ka dib is barasho iyo wanaag jacayl is fahan iyo kaftan daba dheeraaday cabdulaahi  iyo saaxiibkii Max,ed deeq waxa ay aadeen ama ay qabteen halka iyo dhanka ay ka jirtay xaafadooda balse waxaa is weydiin mudnayd ayada oo loo balamiyay xiliga ay bilaabi lahaayeen jaamacada oo ay ka mid ahaayeen ardaydii nasiibka u yeelatay.

Malaga fakaraynin xiliga jaamacada iyo sida wax loo hagaajin lahaa ee kaliya waxaa u muuqday jacaylka oo ah wax aad u yaab badan isla mar ahaantaana dadka badalaa fikradahooda ileen horay ayaa loo dhahay jacaylku waa wax xanuun badan isla mar ahaantaan la jecelyahay.

Laakiin farxiyo ayaa maalinkaa hibo si macaan badan ugu sheekeeynaysay ayada oo waliba si aad ah u amaaneesay yarka max,ed deeq ah oo ah wiil aad u dabeecad wanaagsan una fakar badan wax badana ka yaqaana macnaha jacaylka ayna waliba ku sheegaty in ay ka dhigan doonto macalinkeeda jacaylka maadaama farxiyo ay ahayd gabar aad u da,yareyd oo shukaansigana aad u xiiseynaysay marka loo eego max,ed deeq oo xoogaa qibrad iyo waaya aragnimo ah dheer farxiyo

Hasa ahaatee Hibo ayaa u sheegtay farxiyo in ay heystao mid issla mar ahaantaana caqabad ku noqon karta jacaylkooda taasoo ah in cabdulaahi iyo max,ed deeq labaduba ay u bixi doonaan goor aan  fogayn jaamacadaha dibada ah taasoo keeni karta kala fogaansho jacayl ………….. ala ma runbaa ma bixi rabaa max,ed deeq waxaa la soo hadaaqday farxiyo haa waxaa ugu jawaabtay hibo oo si aad ah ula soctay xiliga iyo goorta ay bilaaban doonaan jaamacadaha iyo ardaydii la qaatay in ay ku jireeen cabdulaahi iyo max,ed deeqba , walee waa yaab waxaan maqli jiray “jacayl aan dhamaanayn jacayl aan I dhaafeyn dhuuxa iyo wadnaha galay’’ waxaan ayaa lagaa dhahaa noloshuna waxa ay macaataamarka aad heshaa jacayl kuu daacad ah .

Waxaa ayagana si la yaab leh u wada faqaayay cabdulaahi iyo sxbkii max,ed deeq oonin waliba oo sxbkii uga sheekeynaayay in uu helay qofkii uu ka dhigan lahaa mustaqbalkiisa iyo in ay heleen jaanis aad u macquul ah, laakiin cabdulaahi ayaa ku jawaabay sxb aniga jacayl waa I hayaa oo waa wax bini aadamka oo dhan aysan ka maarmin laakiin ma aanan fakarin sxb maxaa yeelay aniga waad ogtahay qoyska aan ka dhashay iyo xaalkeena oo dhan iyo ayeydeey oo xiligan aan u ahay garab kulina waxa ay wada sugaayaaan oo ay rabaan in uu noloshooda wax ka badalaa waa aniga oo ah cabdulaahi waxaan sameeyay dag dag waana aan fududaaday sxb toloow maxaa ii xal ah?

Max,ed deeq ayaa ugu jawaabay sxbkiis cabdulaahi sxb cabdulaahi dunidan waa wax  aad u yaab badan iskuna dhex qasan marka sxb wax waliba oo aad sameyneeso iyo meel waliba oo aad mareeso iyo mustaqbalkeenuba waa wax xag alaah ka qoran mana aadan dag dagin ee waxa aad sameysay talaabo horumar leh gacalisadaada waa ay ku sugi kartaa inta aad heer ka gaareeso wax ku dhibaayana ma jiraan marka waa in aad us heegtaa dhibka jiraa in uu yahay in aad isku dulqaadan kartaan inta aad ku  maqantahay jaacada waana ay kaa yeeli doontaa farxiyo dumaashideey waa gabar aan aad u jeclahay dabeecadeeda.

Waa arin aad u wanaagsan hadiiba aan isku helaayo jacaylkayga iyo waxbarashadeyda si aan heer u gaaraa waana mahadsantahay sxb garabka aad I  siisay intaa markii la isla gaaray hadalka waxaa soo ag istaagay gaari isla mar ahaantaana waxaa saarnaa xaaji max,uud oo ahaa max,ed deeq aabihiis salaamayna wiilashiisa oo uu aadka u jecelyahay kuna yiri bari waxaan aadeenaa degmada afgooye si aan ugu soo qaadanaa dalxiis wanaagsan hadana ina keena aan xaafada aadnee hadii aadan qorshe kale lahayn maya aabe waa caadi waxaa si wada jir ah u dhahay max,ed deeq iyo cabdulaahi waxaana ay gaareen daqiiqado ka dib gurigii max,ed deeq waxaana la isku diyaarinayay dukashada salaada maqrib salaadii kadib casho iyo is macsalaameys iyo cabdulaahi oo xaafadiisii abaaray gaaritaanka cabdulaahi ee guriga waxaa soo dhoweeyay  ayeeyo xaliimo oo ku tiri manta wiilkaygii magaalada waxaan umalaynaayaa in aad si fiican u soo wareegaty ma shukaansi baad aaday

Cabdulaahi oo qoslaaya ayaaku yiri ayeeyo shukaansi xiligan ma mid nolosheyda ay xamili kartaaba?

Waad gaartay wiilkayga xiligana waxa aan rabaa in aan arko ubadkaaga waxaa ugu jawaabtay ayeeyo xaliimo

Sheekadeenii qald maan ka galay qiimaha jacaylka qaybteedii 6aad manta halkaa ha inoo joogto

W/d Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan Sheekh (Caaqil  Kaka)

------------------------------------------------------------

W.D: Xasan Kaafi Cabdi Raxmaan.{Kaafi Sheeno}

 

E-Mail:-caaqilkaka@hotmail.com

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.