|
Arrimahaas
marka lugu guuleysto kadib, ayaa xiriir
wanaagsan la la sammaystaa adduunka intiisa
kale. Dhinaaca kale, waxaay noqdaan meelaha laga
eego marka dal la qeymaynayo, waxaana hubaal ah
in dalkii aan tixgalin arrmahan ay u keeni
karaan halis iyo wax la mid ah burburka
Soomaaliya oo kale. Taasina waxaay mar kale
iftiimineysaa in cid-walba oo sammaysa inta
gumaystuhu sammeeyo la oran karo 'gumayste'
sababtoo ah gumaystuhu ma ahan cid gaar, ee
waxaa weeye cidwalba oo sifahaas leh.
Arrigtida iyo fahmada soomaalida oo qaldannaan
karta, marka laga eego, marna ummadda
soomaaliyeed ma arrag wax xitaa u dhawaan kara
waxyaabaha aynu kor ku soo sheegnay ee dowlad
kasta laga rabo.
Tusaale, dowladihii rayidka ahaa ee talada dalka
hayeey 1960 - 1969, waxaa looga eed-sheegan
jirey eex, qabyaalad iyo in dad yar ay ka
faa'iideysan jireen khayraadka dalka sida
dhaqaalaha, waxbarashada, shaqada, iwm.
Dowladdii dalka ka talineysey 1969 - 1991, waxaa
la yiri, talada dalka xoog bay ku qabsatay ee
hala burburiyo xun iyo sanba wixii loo garto
iney lug ku lahayd. Waxayna taasi keentay in
reer kasta yiraahdo xukunka xoog ayaan ku
qabsanaynaa iyagoo ilowsan in reeraha kale dalka
la leeyihiin iyo in loo baahan yahay xal guud oo
qaran.
Waxyaabaha kale ee layaabka leh, waxaa kamid ah:
waxaad soomaalidda ku arkeysaa qof leh waa la I
dulmay, oo isagu dulan samaynaya; waxaad
arkaysaa qof leh qabyaalad baa la'igu sammeeyeey
oo waxaan qabyaalad ahayn aan ka shaqayn; waxaad
arkaysaa qof leh, cid kale ma aaminayo, annigana
waa in la I aamino; waxaad arkaysaa, qof wax-walba
isla rabba cid kalena aan wax u ogolayn; waxaad
arkaysaa qof leh wixii aan rabbo ayaa sax ah,
wixii aanaan dooneyna ama dadka kale wadaan waa
khalad. Waxaa kaloo dhacda in dadka soomaalidu
isku wax ka wadda cabanayaan haddana (dowladdii)!
Waxaana isleeyahay arrimahan waxaay soomaalida
ka dhigeen dad si la yaab ah loogu waareero, oo
aan la kala garan karin kan la dulmay iyo kan
wax dulmay. Waxaana loo baahan yahay in qofkii
dharbaaxo lugu dhufto uusan dhihin feer baa
la'igu dhuftey ee uu sheego intii ku dhacdey oo
xitaa aysan ku jirin wixii uu ismoodsiiyeey.
Qofkii danbi galana ileen waa 'Bini-aadame' in
uu qirto danbigii uu galay, kadibna qoofkaas waa
in uu helaa caddaalad.
Waxaa iyana fajac kale ah in soomaalidu si
sahlan isugu raacdo been iyo waxaan la hubsan.
Waxaana tusaale u soo qaadanayaa 1969 markii
xukunka ay ciidammadii la wareegeen, waxaay
yiraahdeen: "kacaanku wuxuu u dhashey in uu
dalka badbaadiyo oo dalka laga daber gooyo eexda
iyo musuq-maasuqa, dadka iyo dalkuna isku
filaansho gaaraan". Ummaddii oo dhan way ku
taageereen dowladdii marka laga reebo in aan
tiro badnayn oo u badan maddaxdii dowladdii hore.
Muddo kadib ayaa waxaa bilowdey mucaaradkii ugu
horeeyeey (SSDF) oo dadkii ugu gacan haadiyeey
inay dalka ka dhacaan wixii dhacay (burbur).
SSDF-na ma ahayn urur ka koobnaa soomaali kala
duwan ee wuxuu ahaa reer kaliya. Taasinna waxaay
noqotey arrin ay kaga daydeen ururadii kale oo
dhan.
Haddaba maxaaa soomaalidu ka baratey SSDF? Waxaa
kamid ah waxyaabaha laga bartay:
Ų in urur mucaarad ah oo reer kaliya ah la
samaysto Itoobyana loo tago
Ų In inta hub laga soo qaato Itoobiya dib dalka
loogu soo duulo, qolo walbana qabsato
deegaannada ay ka soo jeedaan iyagoo ka goynaya
dalka intiisa kale
Ų In dadka soomaaliyeed loo tuso in dalka uu
leeyahay maddaxweynihii hore, Maxamed Siyaad
Bare.
Ururadii siddaas ku shaqeeyeey, waxaan ka soo
qaadan doonaa oo muddo dheer taariikhda ku jiro
doona: SSDF, SNM, SPM, USC, SNF, iyo kuwo kale.
Ururadan waxaay dalka ka sameeyeen qof iyo
garashadi ayaan u daynayaa, laakiin waxaa la
oran karo waa la iska dheegtay ama hal meel baa
laga sammayn jirey, oo waxa kaliya ee kala duwa
waxaay ahaayeen magaca reerka sheegta, waxyaabah
lama ilaawaanka ah ee lugu xasuusan yahay waxaa
ka mid ah in mid kasta oo iyaga kamid ahi uu
ummadda iyo dalkii burburiyo oo xataa reerkii
ururka sheeganayeey uu ku jiro.
Arrintaas oo dareen iyo naxdin weyn leh, waxaa
igala dareyd in ummaddii arrintaas ogolaato oo
sacabka loo tumo iyadoo dhabarka u duwaya
qaraniimadoodii, iyagoon kala saarin maamulkii
jirey iyo qaranimada!!!
Sidda aynu kor ku soo sheegnay, ururkii ugu
horeeyeey ee ka hor-yimid dowladdii Soomaaliyeed
ee la dhihi karo "hooyadii ururada", wuxuu ahaa
SSDF, oo Maxamed Siyaad Bare, ku edeeyeey
qabyaalad, eex iyo galigi-talis. Waxaana
habboonayd in wixii ay dowladda ku edeeyeen iyo
wax ka daran aysan iyagu sammmayn, ee wixiii
fiicana dowalada kala shaqeeyaan wixii xunna
iyagoon dhib kale sammayn la saxo.
Waxaanse qaadan waa iyo la yaab igu ah in dadkii
dhaliiley hoggaankii talada hayeey ee laga
filayeey inay wax fiican soo kordhiyaan inay
wixii ay soo kordhiyeen ay ugu horeysey inay
dhulkoodii cadow la qabtaan (Balanballe iyo
Galdogob). Waxaa mar kale la wadda naxay markii
caddaadey in dalka lakala goo-gooyo dagaaalo
sokeeyana ay ka dhacaan markii SSDF, macallin in
ay Soomaalida ugu noqoto ururaddii mucaaradku
guddoonsadeen.
Ururkii labbaad ee Itoobiya uga taba tagey ssdf
wuxuu ahaa SNM (1982). Muddo yar kadib tegistii
SNM ee Addis Ababa, ayaa waxaa loo soo bandhigey
qorshe ah, inay dhulka reer ahaan ay ka degaan
soomaaliya xoog ku qabsadaan oo ka xoreystaan
dowladda, wixii kaalmo ciidan ahna Itoobiya ay
ku caawiso ururka. Waxyaabaha ay ka cabanayeena
waxaa kamid ahaa in dhulkoodii dowladdii
Soomaaliyeed dajisey dad kale oo aan u dhalan (soomaalida
Itoobiya). Waxaana sidaas ku dhacay dagaalkii
Hargeysa iyo Burco dhulka dhigey dad badan oo
aan wax galabsanna naf iyo maalba ku waayeen.
Muddo kadib intii uu socdey dagaalkii SNM iyo
Dowladdii ayaa waxaa la dhisey ururka SPM
(1989), oo maddaxdiisu u badnaayeen saraakiishii
xukumeysey ciidamadii dowlada ee wuqooyiga
Soomaaliya xilligii SNM iyo dowladdu ku
dagaalamayeen wuqooyiga Soomaaliya, kuwaasoo ka
soo jeedey reerkii SNM ku eedeysey dowladu inay
dajisey dhulkoodii (Wuqooyi Galbeed). Waxaay
iyana kamid noqdeen ururaddii Itoobiya xarunta u
noqotey!
Wuxuu Muddo yar kadib ururka SPM dagaal ku
qaadey ciidammadii dowlada ee fadhiyeey Libooy,
Afmodow, Qooqaani, iyo meelo kale oo ka wadda
tirsan gobolka Jubbada Hoose, oo ah meelaha
reerku uu ka dago Jamuuriyaddii Soomaaliya.
xilli Soomaaliya oo dhan laga dareemay dagaalada
ka socda wuqooyiga (SNM), goboladda dhexe (SSDF),
koonfurta (SPM), ayaa waxaaa isna lugu
dhawaaaqay ururka USC, 1990. Inkastoo dad
mucaarad ahaa soo dhaweeyeen dhawaqaas haddana
waxaa jirey kuwo kale oo dhawaqaasii ula mid
ahaa dab gurigoodaa lugu soo tuurey. Ururku
wuxuu ku jahaysnaa magaalada caasimadda ah
Muqdisho, oo xilliigaas dadkii goboladdu si xoog
ah ugu soo qaxeen si ay nabad iyo nolol uga
helaan. Ururka USC oo u kala socdey saddex
qaybood markuu Xamar yimid, wuxuu ahaa kii uga
qasaaro iyo tacadi badnaa ummadda soomaaliyeed.
Waqti wali uu socdey burburkii ugu daraa ee
dalka ka dhacay, ayaa waxaa isna la aasaasey
ururka SNF, 1992, oo raggii dhisey ay ahaayeen
rag darajo dalka laga qabto oo aysan qaban ay
jirtey maddaxweyne, si aad ahna ay isugu
dhawaayeen maddaxweynihi hore, Allaha u
naxaristee, Maxamed Siyaad Bare, oo markaas
gobolka Gedo oo ururka laga aasaasey joogey.
Waxaa aasaasidda ururka SNF ku soo beegantay
xilli nabad fiican iyo nololba ay ka jirto
gobolka Gedo oo la dhihi karo kama jirin dalka
intiiisa kale, taasoo soo jiidatey dad
soomaaliyeed oo deegaano kale nabad ku waayeey.
Hoggaankii SNF, ayaa dad aan ka mid ahay
weydiiyeen ujeeddada ururku waxaay tahay,
wuxuuna ku jawaabay, " Soomaalida ayaan rabnaa
in aan wax la qeybsano".
Maddaxdii ururka waxaay saammeeyeen wax lamid ah
intii ay sammayn jireen ururdii hore oo ah inay
Itoobiya tagaan oo intay hub soo qaataan dib ugu
soo duullaan guryahoodii iyagoo garabsanaya
ciidammo Itoobiyaan ah. 1996, ciidamo Itoobiyaan
ah iyo ururka SNF ayaa gacanta ku dhigey Luuq,
Dolow, Balad-Xaawo iyo deegaanadda u dhow oo
dhan oo ilaa maanta si dadban ama si toos ah ay
Itoobiyaanku uga taliyaan.
Dilka, duminta, dhaca iyo xasuuqaa dadku waxaay
noqdeen waxyaabaha dadka darajo iyo sumcad looga
doonto. Halka ereyada mujaahid, halyeey, xorayn
iyo kuwo kale oo badan ay ka mid noqdeen
waxyaabaha lugu weyneeyo ragga sababta u ah
burburka iyo tacadiga ilaa maanta soomaaliya ka
jira. Qofkii aan sammeyna waxaa bulshadu u
aragtey qof an wax garanayn ama aan siyaasi
ahayn. Mar-walba oo ay muuqato rajo ah in dadku
ay ka soo kabanayaan dhibtii iyo burburkii oo ay
samystaan: nabad-galyo iyo is dhexmar, iskuulo,
caafimaad, ganacsi iyo dhisida guryahoodii la
dunshey, ayaa waxaa hub iyo lacag badan lugu
bixinayaa sidii loo burburin lahaa noloshaas
bilowga ah. Bal hadda Muqdisho eega!!!. Yaxaa
lala dagaalamayaa, maxaase loo dagaalamayaa?
Dhinaca kale, Soomaalidda oo lugu sheego dad
muslim ah 100%, dadkii culumada ahaana ay
joogaan ma suuro galin in dadka loo sheego in
arrintaasi ay xaaraan tahay Islaam ahaan iyo
Bani-Aadan ahaanba. Waxaase dhici karta in
culumaddu dhibaatooyinka dhacaya ay qayb ku
leeyihiin!!!
Waxgaradka Soomaaliyeed waxaay ku baraarugeen
dhibaatooyin kale oo markii hore aan muuqan.
Waxaana kamid ah: in la dabar-gooyo dadka
aqoonta leh (diini iyo maadiba), xoolaha dhadig,
dhirtii, kaluunkii iwm. Waxaa shaki weyn galay
qaranimaddii Soomaaliya. Waxaa la arkay deegaano
dadkii Soomaalida ahaa laga qaxinayo oo si
qorsheysan loo dejinayo Itoobiyaan.Waxaan iyana
muran gali karin in qofkii doonaya in uu
amuuraha soomaaliya galo (xumaan iyo wanaag) ay
qasab ku tahay in uu marka hore tago waddamo
kale sida Itoobiya oo Soomaali badan u haysato
iney tahay cidii qorsheysay kana faa'iidey
burburka soomaaliya. Waxaayna qaarkood dheheen,
"waxaa suuro gal ah in Itoobiya safiiro u
dirsato Hargeysa, Garoowe, Jowhar, Baydhabo,
Muqdisho iyadoo mid walba oranaysa cidda kaliya
ee aan la jiro waa idinka."
Waxaad kaloo arkaysaa in waxaas oo halaag ah oo
dhacaya dadku aysan waxba u arag, oo waliba
maddaxda iyo taageerayaalka jabhadihii oo hadda
magacyo kale leh ay ku fannaan inay yihiin
raggii burburiyeey Qarankii, dadkuna caleemo
qoyan ay u ruxaan; waxaan kaloo aragnaa
maddaxdaas (jabhadaha) oo xuska maalmiihi
xoriyadda intay calanka Soomaaliya ku labistaan
oronaya guushaan baan u soo halganay. Sannad
walba qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaa laga xusaa
maalinti Qarankii Soomaaliyeed burburey. Waxaa
kalood arkaysaa Itoobiya oo dhahaysa "Soomaaliya
20-kii sanno ee ugu danbaysay waa caawinaynay"
Haddaba, su'aasha mihiimka ah waxaay tahay, yaa
leh masuuliyada burburkii Qarankii Soomaaliyeed?
Waxaay ila tahay in masuuliyadaasi ay dhextaal
dowladii oo ku guul-daraystay inay xal u hesho
ka hortaga burburkii dhacay, iyo ururadii
hubeysnaa oo dagaal iyo dumin mooyee aan xalba
xil iska saarin. Dhinaca kale, dalka iyo dadkuna
waxaay kala dhexgaleen laba qori oo midna yahay:
qorigii talada dalka lugula wareegey 21 Octoober
1969, kan kalena yahay qoryihii jabhadaha oo ay
dib ka taagnaayeen codow ciil soomaaliyeed ku
raagay (Itoobiya).
Waxaa dhacda in 99% iyadoo la isaka mid yahay
luguna kala duwan yahay 1%, lugu kala tago halka
qura (1%) ee lugu kala kadisan yahay. Waxaa
kaloo iyana loo baahann yahay in la fahmo in
xalku ku jiro ama ku imanyo in dadku aysan sii
hayn toobiyihii hore oo ay la yimaadaan caqli ka
duwann kii burburka. Sidey reer ama deegaan gaar
ah wax ula muuqdaan xal guud mahan.
Waxaa la ii qaadan karaa in aan u jeedo
dhaleecaynta ururadii mucaaradka dowlada ahaa,
oo aan difaacayo dowladihii hore. Laakiin sidaas
mahane, ummadda oo dhan baa run iyo beenba ka
sheegtay dowladihii hore, waxa u baahan in la
sheegona waa wixii jabhaduhu sameeyeen. Waxaa
iyana mihiim weyn ah in wixii khaldan aysan sax
marna qononayn, loona baahan yahay in hadda wax
la saxo oo la kala saaro khaladka iyo saxda.
Nin aan macruufo nahay ayaa igu yiri, "20 sanno
ayaan mucaarad ku ahaa dowladii, mana aqaan
hadda waxaan mucaaradka u ahaa"! Waxaa kaloo
dhactay intii aan ku guda jirey qorista
maqaalkan ayaa nin igu yiri: "si maqaalkan loo
aqriyo dowladii Maxamed Siyaad Bare xoogaa cay,
haddii kale dadka xiiso uma yeelanayo qoraalkan
oo runtii micno weyn leh".
Si kastaba ha ahaatee, soomaalidu waxaay u
baahan tahay in xal loo helo saddex waxyaalood
oo kamid ah waxyaabah burburiyeey dalka:
caddaalad la'aan, aqoon la'aan, iyo faqri.
Waxaayna ila tahay haddii aan la garowsan in
arrimahan xal loo helo iney addkaan doonaan
xallinta dhibaatooyinka soomaalida.
Dhinaca kale, waxaan soomaalida kula talin lahaa
in muddo 50 sanno ah aan xilalka sare-sare ee
xukunka dalka sidda: guddooomiyaha baarlamanka,
maddexweynnaha iyo wasiirka kowaad aysan qaban
qaabaalida laan-dheeraha sheegta (wax is bideya)
ee kala ah: Daarood, Hawiye iyo Isaaq. Hogaanka
dalkana ay qabtaan beelaha aan hubeysnayan
(others). Sababta aan u leeyahay waxaa weeye
wixii horey u dhacay kasakow hadda ayeey hammuun
u qabaan dhib hor leh; saddexdan reer waxaa
dhex-taal cuqdad iyo shaki si sahlan aan ku
dhammaan doonin. Iyo waliba qab iyo maddax taag
aan xaqiiqda lugu salayn. Waxaana u soo
jeedinayaa dadka waxgardk ah ee ka soo jeeda
saddexdan beelood inay si weyn u taageeraan
fikradan iyagoo ka eegaya danta guud ee ummadda.
Beelahan others-ka waxaa lugu boorinayaa inay la
yimaadaan hannaan ay ku wajahan xal u helida
dalka oo ay taageeri karaan beelaha Soomaalida
oo dhan.
DFK Soomaaliyeed iyo Baarlamanka, waxaan u arkaa
inay yihiin bilow fiican oo u baahan
dhammays-tir, inkastoo marar badan maddaxda
dowladu ay ku celceliyeen iney dib u heshiisiin
dhammaatey iyadoo waddanku uu ku joro xaalad
addag oo hor leh, oo ay sabab u tahay dagaaladii
dalka ka dhacay. Waan hubaa in arrintaasi niyad
jab ku ridey in badan oo ummadda kamid ah. Si
kastaba ha ahaatee, DFKS waa iney wada haddal
iyo dib u heshiisiin dhab ah ay la sammeeyaan
dhammaan bulshadda rayidka ah ee ku nool gobolka
Banaadir oo ay ugu horeeyaan Maxkammadaha
Islamiga ah.
Maamulada Somaliland iyo Pundland, iyagana si
weyn ayaan ugu bogaadinaynaa sida ay ugu
daddaaleen nabada iyo nolosha ay ka hirgaliyeen
deegaanadaas.
nabadaynta soomaliyeed mudan
-----------------------------------
W.D: guled ibrahim ahmed
-----------------------------------
Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay Saafi Films.
|