FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Hadaan Sidan Qaran ku Nahay Gumeysigu waa sidee?.

 

 

M

Markaan arko xuska maalmaha xoridda (26ka Juunyo iyo 1da Luulyo), waxaan nafdeyda weydiiyaa, haddii aynu sidan xor ku nahay, gumeysigu waa sidee?

Si aan jawaabta u helo, waxaan isku dayeey innaan dib u eego taariikhda intii Soomaaliya ay xorta ahayd (1960-2006) iyo wixii laga faa'iidey gobonimmadii la helay, sababtoo ah waxaan dhashey iyadoo la leeyahay 'maanta maanta maanta, waa maalin weyne maanta', oo maan arag gumeyste.
Sidda la wadda yaqaan sifaha gumaysiga waxaa kamid ah: in uu ummad iyo dal jira qabsado kadibna ka baabiyo sharafta, midnimadda, diinta, dhaqanka, taarikhda , dhaqaalaha iyo dadka waxgaradka ah. Waxaa iyana jira inay kala duwan yihiin gumeysiga casriga ah iyo gumeysiyaalkii hore. Kan casriga ah, wuxuu ku dhex jiraa karaa dadka la gumeysanayo. Dadkaas ayaana u qabta wixii uu qabsan lahaa isagu. Soomaaliya ma gumesteyaal shisheeya ah baa maanta jooga?
Waxaase sahlan in la fahmmo waxa laga rabo dal xor, waxaana kamid ah: waxyaabaha lidka ku ah inta gummeystaha lugu yaqaan, oo ay ugu horeeyaan caddaalad, midnimo, sinnaan, horumar iyo in ummaddaasi aayahooda ka tashadaan. Sharafta, hantida iyo nabad-galyada muwaadin kasta iyana waxaa xil ka saran yahay qaranka.

 

 

 

 

 

Arrimahaas marka lugu guuleysto kadib, ayaa xiriir wanaagsan la la sammaystaa adduunka intiisa kale. Dhinaaca kale, waxaay noqdaan meelaha laga eego marka dal la qeymaynayo, waxaana hubaal ah in dalkii aan tixgalin arrmahan ay u keeni karaan halis iyo wax la mid ah burburka Soomaaliya oo kale. Taasina waxaay mar kale iftiimineysaa in cid-walba oo sammaysa inta gumaystuhu sammeeyo la oran karo 'gumayste' sababtoo ah gumaystuhu ma ahan cid gaar, ee waxaa weeye cidwalba oo sifahaas leh.
Arrigtida iyo fahmada soomaalida oo qaldannaan karta, marka laga eego, marna ummadda soomaaliyeed ma arrag wax xitaa u dhawaan kara waxyaabaha aynu kor ku soo sheegnay ee dowlad kasta laga rabo.
Tusaale, dowladihii rayidka ahaa ee talada dalka hayeey 1960 - 1969, waxaa looga eed-sheegan jirey eex, qabyaalad iyo in dad yar ay ka faa'iideysan jireen khayraadka dalka sida dhaqaalaha, waxbarashada, shaqada, iwm.
Dowladdii dalka ka talineysey 1969 - 1991, waxaa la yiri, talada dalka xoog bay ku qabsatay ee hala burburiyo xun iyo sanba wixii loo garto iney lug ku lahayd. Waxayna taasi keentay in reer kasta yiraahdo xukunka xoog ayaan ku qabsanaynaa iyagoo ilowsan in reeraha kale dalka la leeyihiin iyo in loo baahan yahay xal guud oo qaran.
Waxyaabaha kale ee layaabka leh, waxaa kamid ah: waxaad soomaalidda ku arkeysaa qof leh waa la I dulmay, oo isagu dulan samaynaya; waxaad arkaysaa qof leh qabyaalad baa la'igu sammeeyeey oo waxaan qabyaalad ahayn aan ka shaqayn; waxaad arkaysaa qof leh, cid kale ma aaminayo, annigana waa in la I aamino; waxaad arkaysaa, qof wax-walba isla rabba cid kalena aan wax u ogolayn; waxaad arkaysaa qof leh wixii aan rabbo ayaa sax ah, wixii aanaan dooneyna ama dadka kale wadaan waa khalad. Waxaa kaloo dhacda in dadka soomaalidu isku wax ka wadda cabanayaan haddana (dowladdii)!
Waxaana isleeyahay arrimahan waxaay soomaalida ka dhigeen dad si la yaab ah loogu waareero, oo aan la kala garan karin kan la dulmay iyo kan wax dulmay. Waxaana loo baahan yahay in qofkii dharbaaxo lugu dhufto uusan dhihin feer baa la'igu dhuftey ee uu sheego intii ku dhacdey oo xitaa aysan ku jirin wixii uu ismoodsiiyeey. Qofkii danbi galana ileen waa 'Bini-aadame' in uu qirto danbigii uu galay, kadibna qoofkaas waa in uu helaa caddaalad.
Waxaa iyana fajac kale ah in soomaalidu si sahlan isugu raacdo been iyo waxaan la hubsan. Waxaana tusaale u soo qaadanayaa 1969 markii xukunka ay ciidammadii la wareegeen, waxaay yiraahdeen: "kacaanku wuxuu u dhashey in uu dalka badbaadiyo oo dalka laga daber gooyo eexda iyo musuq-maasuqa, dadka iyo dalkuna isku filaansho gaaraan". Ummaddii oo dhan way ku taageereen dowladdii marka laga reebo in aan tiro badnayn oo u badan maddaxdii dowladdii hore.
Muddo kadib ayaa waxaa bilowdey mucaaradkii ugu horeeyeey (SSDF) oo dadkii ugu gacan haadiyeey inay dalka ka dhacaan wixii dhacay (burbur). SSDF-na ma ahayn urur ka koobnaa soomaali kala duwan ee wuxuu ahaa reer kaliya. Taasinna waxaay noqotey arrin ay kaga daydeen ururadii kale oo dhan.
Haddaba maxaaa soomaalidu ka baratey SSDF? Waxaa kamid ah waxyaabaha laga bartay:
Ų in urur mucaarad ah oo reer kaliya ah la samaysto Itoobyana loo tago
Ų In inta hub laga soo qaato Itoobiya dib dalka loogu soo duulo, qolo walbana qabsato deegaannada ay ka soo jeedaan iyagoo ka goynaya dalka intiisa kale
Ų In dadka soomaaliyeed loo tuso in dalka uu leeyahay maddaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Bare.
Ururadii siddaas ku shaqeeyeey, waxaan ka soo qaadan doonaa oo muddo dheer taariikhda ku jiro doona: SSDF, SNM, SPM, USC, SNF, iyo kuwo kale.
Ururadan waxaay dalka ka sameeyeen qof iyo garashadi ayaan u daynayaa, laakiin waxaa la oran karo waa la iska dheegtay ama hal meel baa laga sammayn jirey, oo waxa kaliya ee kala duwa waxaay ahaayeen magaca reerka sheegta, waxyaabah lama ilaawaanka ah ee lugu xasuusan yahay waxaa ka mid ah in mid kasta oo iyaga kamid ahi uu ummadda iyo dalkii burburiyo oo xataa reerkii ururka sheeganayeey uu ku jiro.
Arrintaas oo dareen iyo naxdin weyn leh, waxaa igala dareyd in ummaddii arrintaas ogolaato oo sacabka loo tumo iyadoo dhabarka u duwaya qaraniimadoodii, iyagoon kala saarin maamulkii jirey iyo qaranimada!!!
Sidda aynu kor ku soo sheegnay, ururkii ugu horeeyeey ee ka hor-yimid dowladdii Soomaaliyeed ee la dhihi karo "hooyadii ururada", wuxuu ahaa SSDF, oo Maxamed Siyaad Bare, ku edeeyeey qabyaalad, eex iyo galigi-talis. Waxaana habboonayd in wixii ay dowladda ku edeeyeen iyo wax ka daran aysan iyagu sammmayn, ee wixiii fiicana dowalada kala shaqeeyaan wixii xunna iyagoon dhib kale sammayn la saxo.
Waxaanse qaadan waa iyo la yaab igu ah in dadkii dhaliiley hoggaankii talada hayeey ee laga filayeey inay wax fiican soo kordhiyaan inay wixii ay soo kordhiyeen ay ugu horeysey inay dhulkoodii cadow la qabtaan (Balanballe iyo Galdogob). Waxaa mar kale la wadda naxay markii caddaadey in dalka lakala goo-gooyo dagaaalo sokeeyana ay ka dhacaan markii SSDF, macallin in ay Soomaalida ugu noqoto ururaddii mucaaradku guddoonsadeen.
Ururkii labbaad ee Itoobiya uga taba tagey ssdf wuxuu ahaa SNM (1982). Muddo yar kadib tegistii SNM ee Addis Ababa, ayaa waxaa loo soo bandhigey qorshe ah, inay dhulka reer ahaan ay ka degaan soomaaliya xoog ku qabsadaan oo ka xoreystaan dowladda, wixii kaalmo ciidan ahna Itoobiya ay ku caawiso ururka. Waxyaabaha ay ka cabanayeena waxaa kamid ahaa in dhulkoodii dowladdii Soomaaliyeed dajisey dad kale oo aan u dhalan (soomaalida Itoobiya). Waxaana sidaas ku dhacay dagaalkii Hargeysa iyo Burco dhulka dhigey dad badan oo aan wax galabsanna naf iyo maalba ku waayeen.
Muddo kadib intii uu socdey dagaalkii SNM iyo Dowladdii ayaa waxaa la dhisey ururka SPM (1989), oo maddaxdiisu u badnaayeen saraakiishii xukumeysey ciidamadii dowlada ee wuqooyiga Soomaaliya xilligii SNM iyo dowladdu ku dagaalamayeen wuqooyiga Soomaaliya, kuwaasoo ka soo jeedey reerkii SNM ku eedeysey dowladu inay dajisey dhulkoodii (Wuqooyi Galbeed). Waxaay iyana kamid noqdeen ururaddii Itoobiya xarunta u noqotey!
Wuxuu Muddo yar kadib ururka SPM dagaal ku qaadey ciidammadii dowlada ee fadhiyeey Libooy, Afmodow, Qooqaani, iyo meelo kale oo ka wadda tirsan gobolka Jubbada Hoose, oo ah meelaha reerku uu ka dago Jamuuriyaddii Soomaaliya.
xilli Soomaaliya oo dhan laga dareemay dagaalada ka socda wuqooyiga (SNM), goboladda dhexe (SSDF), koonfurta (SPM), ayaa waxaaa isna lugu dhawaaaqay ururka USC, 1990. Inkastoo dad mucaarad ahaa soo dhaweeyeen dhawaqaas haddana waxaa jirey kuwo kale oo dhawaqaasii ula mid ahaa dab gurigoodaa lugu soo tuurey. Ururku wuxuu ku jahaysnaa magaalada caasimadda ah Muqdisho, oo xilliigaas dadkii goboladdu si xoog ah ugu soo qaxeen si ay nabad iyo nolol uga helaan. Ururka USC oo u kala socdey saddex qaybood markuu Xamar yimid, wuxuu ahaa kii uga qasaaro iyo tacadi badnaa ummadda soomaaliyeed.
Waqti wali uu socdey burburkii ugu daraa ee dalka ka dhacay, ayaa waxaa isna la aasaasey ururka SNF, 1992, oo raggii dhisey ay ahaayeen rag darajo dalka laga qabto oo aysan qaban ay jirtey maddaxweyne, si aad ahna ay isugu dhawaayeen maddaxweynihi hore, Allaha u naxaristee, Maxamed Siyaad Bare, oo markaas gobolka Gedo oo ururka laga aasaasey joogey. Waxaa aasaasidda ururka SNF ku soo beegantay xilli nabad fiican iyo nololba ay ka jirto gobolka Gedo oo la dhihi karo kama jirin dalka intiiisa kale, taasoo soo jiidatey dad soomaaliyeed oo deegaano kale nabad ku waayeey. Hoggaankii SNF, ayaa dad aan ka mid ahay weydiiyeen ujeeddada ururku waxaay tahay, wuxuuna ku jawaabay, " Soomaalida ayaan rabnaa in aan wax la qeybsano".
Maddaxdii ururka waxaay saammeeyeen wax lamid ah intii ay sammayn jireen ururdii hore oo ah inay Itoobiya tagaan oo intay hub soo qaataan dib ugu soo duullaan guryahoodii iyagoo garabsanaya ciidammo Itoobiyaan ah. 1996, ciidamo Itoobiyaan ah iyo ururka SNF ayaa gacanta ku dhigey Luuq, Dolow, Balad-Xaawo iyo deegaanadda u dhow oo dhan oo ilaa maanta si dadban ama si toos ah ay Itoobiyaanku uga taliyaan.
Dilka, duminta, dhaca iyo xasuuqaa dadku waxaay noqdeen waxyaabaha dadka darajo iyo sumcad looga doonto. Halka ereyada mujaahid, halyeey, xorayn iyo kuwo kale oo badan ay ka mid noqdeen waxyaabaha lugu weyneeyo ragga sababta u ah burburka iyo tacadiga ilaa maanta soomaaliya ka jira. Qofkii aan sammeyna waxaa bulshadu u aragtey qof an wax garanayn ama aan siyaasi ahayn. Mar-walba oo ay muuqato rajo ah in dadku ay ka soo kabanayaan dhibtii iyo burburkii oo ay samystaan: nabad-galyo iyo is dhexmar, iskuulo, caafimaad, ganacsi iyo dhisida guryahoodii la dunshey, ayaa waxaa hub iyo lacag badan lugu bixinayaa sidii loo burburin lahaa noloshaas bilowga ah. Bal hadda Muqdisho eega!!!. Yaxaa lala dagaalamayaa, maxaase loo dagaalamayaa?
Dhinaca kale, Soomaalidda oo lugu sheego dad muslim ah 100%, dadkii culumada ahaana ay joogaan ma suuro galin in dadka loo sheego in arrintaasi ay xaaraan tahay Islaam ahaan iyo Bani-Aadan ahaanba. Waxaase dhici karta in culumaddu dhibaatooyinka dhacaya ay qayb ku leeyihiin!!!
Waxgaradka Soomaaliyeed waxaay ku baraarugeen dhibaatooyin kale oo markii hore aan muuqan. Waxaana kamid ah: in la dabar-gooyo dadka aqoonta leh (diini iyo maadiba), xoolaha dhadig, dhirtii, kaluunkii iwm. Waxaa shaki weyn galay qaranimaddii Soomaaliya. Waxaa la arkay deegaano dadkii Soomaalida ahaa laga qaxinayo oo si qorsheysan loo dejinayo Itoobiyaan.Waxaan iyana muran gali karin in qofkii doonaya in uu amuuraha soomaaliya galo (xumaan iyo wanaag) ay qasab ku tahay in uu marka hore tago waddamo kale sida Itoobiya oo Soomaali badan u haysato iney tahay cidii qorsheysay kana faa'iidey burburka soomaaliya. Waxaayna qaarkood dheheen, "waxaa suuro gal ah in Itoobiya safiiro u dirsato Hargeysa, Garoowe, Jowhar, Baydhabo, Muqdisho iyadoo mid walba oranaysa cidda kaliya ee aan la jiro waa idinka."
Waxaad kaloo arkaysaa in waxaas oo halaag ah oo dhacaya dadku aysan waxba u arag, oo waliba maddaxda iyo taageerayaalka jabhadihii oo hadda magacyo kale leh ay ku fannaan inay yihiin raggii burburiyeey Qarankii, dadkuna caleemo qoyan ay u ruxaan; waxaan kaloo aragnaa maddaxdaas (jabhadaha) oo xuska maalmiihi xoriyadda intay calanka Soomaaliya ku labistaan oronaya guushaan baan u soo halganay. Sannad walba qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaa laga xusaa maalinti Qarankii Soomaaliyeed burburey. Waxaa kalood arkaysaa Itoobiya oo dhahaysa "Soomaaliya 20-kii sanno ee ugu danbaysay waa caawinaynay"
Haddaba, su'aasha mihiimka ah waxaay tahay, yaa leh masuuliyada burburkii Qarankii Soomaaliyeed? Waxaay ila tahay in masuuliyadaasi ay dhextaal dowladii oo ku guul-daraystay inay xal u hesho ka hortaga burburkii dhacay, iyo ururadii hubeysnaa oo dagaal iyo dumin mooyee aan xalba xil iska saarin. Dhinaca kale, dalka iyo dadkuna waxaay kala dhexgaleen laba qori oo midna yahay: qorigii talada dalka lugula wareegey 21 Octoober 1969, kan kalena yahay qoryihii jabhadaha oo ay dib ka taagnaayeen codow ciil soomaaliyeed ku raagay (Itoobiya).
Waxaa dhacda in 99% iyadoo la isaka mid yahay luguna kala duwan yahay 1%, lugu kala tago halka qura (1%) ee lugu kala kadisan yahay. Waxaa kaloo iyana loo baahann yahay in la fahmo in xalku ku jiro ama ku imanyo in dadku aysan sii hayn toobiyihii hore oo ay la yimaadaan caqli ka duwann kii burburka. Sidey reer ama deegaan gaar ah wax ula muuqdaan xal guud mahan.
Waxaa la ii qaadan karaa in aan u jeedo dhaleecaynta ururadii mucaaradka dowlada ahaa, oo aan difaacayo dowladihii hore. Laakiin sidaas mahane, ummadda oo dhan baa run iyo beenba ka sheegtay dowladihii hore, waxa u baahan in la sheegona waa wixii jabhaduhu sameeyeen. Waxaa iyana mihiim weyn ah in wixii khaldan aysan sax marna qononayn, loona baahan yahay in hadda wax la saxo oo la kala saaro khaladka iyo saxda.
Nin aan macruufo nahay ayaa igu yiri, "20 sanno ayaan mucaarad ku ahaa dowladii, mana aqaan hadda waxaan mucaaradka u ahaa"! Waxaa kaloo dhactay intii aan ku guda jirey qorista maqaalkan ayaa nin igu yiri: "si maqaalkan loo aqriyo dowladii Maxamed Siyaad Bare xoogaa cay, haddii kale dadka xiiso uma yeelanayo qoraalkan oo runtii micno weyn leh".
Si kastaba ha ahaatee, soomaalidu waxaay u baahan tahay in xal loo helo saddex waxyaalood oo kamid ah waxyaabah burburiyeey dalka: caddaalad la'aan, aqoon la'aan, iyo faqri. Waxaayna ila tahay haddii aan la garowsan in arrimahan xal loo helo iney addkaan doonaan xallinta dhibaatooyinka soomaalida.
Dhinaca kale, waxaan soomaalida kula talin lahaa in muddo 50 sanno ah aan xilalka sare-sare ee xukunka dalka sidda: guddooomiyaha baarlamanka, maddexweynnaha iyo wasiirka kowaad aysan qaban qaabaalida laan-dheeraha sheegta (wax is bideya) ee kala ah: Daarood, Hawiye iyo Isaaq. Hogaanka dalkana ay qabtaan beelaha aan hubeysnayan (others). Sababta aan u leeyahay waxaa weeye wixii horey u dhacay kasakow hadda ayeey hammuun u qabaan dhib hor leh; saddexdan reer waxaa dhex-taal cuqdad iyo shaki si sahlan aan ku dhammaan doonin. Iyo waliba qab iyo maddax taag aan xaqiiqda lugu salayn. Waxaana u soo jeedinayaa dadka waxgardk ah ee ka soo jeeda saddexdan beelood inay si weyn u taageeraan fikradan iyagoo ka eegaya danta guud ee ummadda.
Beelahan others-ka waxaa lugu boorinayaa inay la yimaadaan hannaan ay ku wajahan xal u helida dalka oo ay taageeri karaan beelaha Soomaalida oo dhan.
DFK Soomaaliyeed iyo Baarlamanka, waxaan u arkaa inay yihiin bilow fiican oo u baahan dhammays-tir, inkastoo marar badan maddaxda dowladu ay ku celceliyeen iney dib u heshiisiin dhammaatey iyadoo waddanku uu ku joro xaalad addag oo hor leh, oo ay sabab u tahay dagaaladii dalka ka dhacay. Waan hubaa in arrintaasi niyad jab ku ridey in badan oo ummadda kamid ah. Si kastaba ha ahaatee, DFKS waa iney wada haddal iyo dib u heshiisiin dhab ah ay la sammeeyaan dhammaan bulshadda rayidka ah ee ku nool gobolka Banaadir oo ay ugu horeeyaan Maxkammadaha Islamiga ah.
Maamulada Somaliland iyo Pundland, iyagana si weyn ayaan ugu bogaadinaynaa sida ay ugu daddaaleen nabada iyo nolosha ay ka hirgaliyeen deegaanadaas.
nabadaynta soomaliyeed mudan


-----------------------------------
W.D: guled ibrahim ahmed
-----------------------------------

Xuquuqdu waxay u dhawrsantahay  Saafi Films.
 

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.